Sawirro: Xasan Sheekh oo lagu soo dhoweeyay Itoobiya

Sawirro: Xasan Sheekh oo lagu soo dhoweeyay Itoobiya

Addis Ababa (Raxanreeb) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho ku tagay dalka Itoobiya.

Xasan sheekh iyo Wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Addis Ababa ku soo dhoweeyay Ra’iisul wasaaraha Ethopia Abiy Axmed oo ay yeelandoonaan wadahadallo ku saleysan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan xal u helidda caqabadaha amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee ay wadajirka u wajahayaan labada dal.

Xasan Sheekh ayaa ahmiyad gaar ah siinaya in dalalka Gobolku ay mideeyaan dadaalladooda ku aaddan dabar-goynta argagixisada Al-shabaab oo caqabad ku ah xasiloonnida iyo nolasha shucuubta geeska Afrika, horumarinta hannaanka iskaashi ee labada dowladood, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo wax-wada qabsiga.

Xasan Sheekh ayaa horay looga diiday inuu tago waddanka Itoobiya taasoo loo sababeynayay inuu xiriir dhow la leeyahy Dowladda Masar oo Itoobiya isku haystaan marinka Wabiga Nile.

Leave a Reply

Your email address will not be published.