Wasiirka Waxbarashada oo joojiyay lacagihii Shahaadada dugsiga sare

Muqdisho (Raxanreeb) — Wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare Faarax Sheikh C/qaadir ayaa ku dhawaaqay wixii maanta ka dambeeya aanay Wasaaraddu wax lacag ah ka qaadi doonin Shahaadada Ardayda Dugsiga sare.

“Maadaama Imtixaanka iyo Shahaadada ay yihiin howl ay qabaneyso Wasaaradda Waxbarashada laga bilaabo maanta aanay Wasaaradda Waxbarashadu wax kharash ah ka qaadeynin Shahaadada Ardayda Dugsiga Sare”ayuu yiri Wasiir Faarax Sheikh C/qaadir.

Tallaabadan ayaa bilow ah is beddelada uu Wasiirku ku soo kordhinayo nidaamka Waxbarashada dalka oo ka mid ahaa balanqaadkiisa markii uu xilka la wareegay.

Ardaydii Dugsiyada sare ka baxay wixii ka horeeyay 2015kii ee aan galin Imtixaanka Dowlada oo laga qaadi jiray 30 Dolar ayaa iyagana sidoo kale bixin doona 5 Dolar marka ay qaadanayaan Shadaadada Dugsiga sare ee Dowlada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.