Qarax jugtiisa laga maqlay degmooyinka Gobolka Banaaadir ayaa goordhow ka dhacay Maqaayadda Top Coffee oo kutaalla kasoo horjeedka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee u dhow Daljirka Daahsoon. Qaraxa ayaa xilliga maqaayadda uu ka dhacayay waxaa la sheegay in dad Dhalinyaro u badan ay Ciyaaro ku daawanayeen. Khasaaro ayuu geystay qaraxa, waxaana wararka kusoo kordha kusoo...
Day: July 14, 2024
Soomaali u socotay Magaalada Addis Ababa oo la laayay
Wararka ka imaanaya Dowlad Degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in dad Soomaali ah lagu dilay magaalada Awash oo ka tirsan Dowlad Degaanka Canfarta, dadkan ayaa lagala dagay bas ay saarnaayeen oo xilligaa usocday dhinaca Addis Ababa iyagoo ka tagay dhinaca Dowlad Degaanka Soomaalida. Dadkan la laayay oo u badan Rag ayaa sida wararku sheegayaan waxaa dilkooda...
Ciidamada Dowladda oo gacanta ku dhigay waxyaabaha
Ciidanka xoogga Dalka oo howlgallo ka dhan Al-Shabaab ka wada bariga gobolka Galgaduud ayaa ku guuleystay inay fashiliyaan miinooyin ay Al-Shabaab ku aaseen wadada isku xirta deegaanada Mesagawaay iyo Baraag Sheekh Caamir. Al-Shabaab ayaa doonayey in miinooyinkaas ay ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah ee ku safra wadadaas, balse Ciidanka Qaranka ayaa ka hortegay, iyagoo soo...
Dhacdo naxdin leh: Nin Muqdisho ku dilay Xaaskiisii hore iyo Hooyadeed
Waxaa xalay xaafad katirsan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ka dhacay fal dad badan ka argagaxeen, kaddib markii nin la sheegay in uu ahaa askari uu dil u geestay xaas ay horey u kala tageen iyo sidoo kale hooyadeed, kaddib markii uu ku weeraray gurigooda. Goobjoogayaal ayaa ku waramay in ninkan oo qoray ku hubeysnaa...
Dowladda oo jawaab ka bixisay hadalka la taliye hore Farmaajo
Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya , sidoo kale soo noqday lataliyaha Madaxweyne hore Farmaajo, ninka lagu magacaabo Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa sheegay hadal dad badan layaab ku noqday, kaa oo ahaa in talada dalka lagu wareejiyo Al Shabaab , si ay ula dagaallaan Itoobiya. Axmed Macalin Fiqo Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa qoraal uu...
Booliska Muqdisho oo xiray Gabar caan aheyd oo anshax darro lagu helay
Taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir ayaa shaaciyey in la xiray Faadumo Qaasin Maxamed oo loo yaqaano (Faadumo Kaftan). Qoraal kasoo baxay Taliska ayaa lagu sheegay in gabadhaan ay ku eedeysan tahay in ay ku kacday falal anshax-darro ah oo liddi ku ah diinteena suuban iyo dhaqanka wanaagsan ee umadda Soomaaliyeed. Booliska Soomaaliya ayaa...
Madaxweyne hore Trump oo dil ka badbaaday
Madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa gelinki danbe ee shalay sheegay in uu dhaawac kasoo gaaray dhagta midig, kaddib marki uu qof hubeysani rasaas u soo furay dhankiisa, xilli uu khudbad ka jeedinayay isu soo bax dadweyne oo qeyb ka ahaa ololaihiisa doorashada, gudaha gobolka Pennsylvania. Trump waxay rasaasta kaga dhacday qeybta sare ee...