Ciidanka Booliska Puntland Qaybta gobolka Bari ayaa wada hawlgalka soo qabashada ninkii ku eedaysnaa dilka Alle ha u naxariistee guddoomiye kuxigeenkii maamulka iyo maaliyadda Jaamacadda Bariga Afrika Khaalid Cali Khaalid Awmuuse. Taliyaha qaybta gobolka Bari G/sare Cabdiqaadir Jaamac Dirir oo Howlgalka hogaaminaya ayaa sheegay in uu Howl-galka baadigoobka Gacan ku dhiigle Maxamed Abshir Muuse uu...
Day: July 29, 2024
Madaxweyne Xasan Sheekh oo hal arrin kala hadlay dhiggiisa Turkiga
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa wada-hadal telefoon ah la yeeshay dhiggiisa Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogan. Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, gaar ahaan dhinacyada tamarta iyo difaaca. Madaxweyne Erdogan ayaa xaqiijiyay in Turkigu...
DHACDO NAXDIN LEH: Haweeneey dishay Wiil Gabadheeda qabay
Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, waxaa ka dhacay dil dad badan ka argagaxeen, kaddib markii haweeneyn magaaladaasi kunool dil u geesatay wiil dhallinyaro ah oo la sheegay in ay u aheyd sodoh uuna qabay gabar iyada ay dhashay. Haweeneyda dilka geesatay ayaa la sheegay in ay kamid aheyd ganacsatada hilibka iibiya, waxa ayna diilka...
Nin Mas’uul ah oo lagu dilay Magaalada Boosaaso
Sadex nin oo hubaysan ayaa guriga uu ka dageanaa Boosaaso ku hor toogtay gudoomiye kuxigeenkii Jaamacadda Bariga Afrika Boosaaso Khaalid Cali Khaalid. Wali laamaha booliiska boosaaso faaahfaahin kama bixin dilka iyo cida geystay. Alle ah unaxariistee Khaalid ayaa mudo ahaa macalin kumaan kaadir oo ardaya ka heleen aqoon waxana uu ahaa dadka sida wayn cilmiga...
Shir ay ka maqan yihiin KGS iyo Puntland oo Muqdisho ka socda
Shirweynaha 2aad ee Culimada Soomaaliyeed ayaa Maanta ka furmay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Shirka oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta DFS ayaa sannadkan waxa ay culimadu ku falanqayn doonaan qodobo kala duwan oo ay ka mid tahay xaqiijinta midnimadda ummadda, dhibaatooyinka khilaafka iyo kalatagga. Shirkaan ayaa waxaa markii ugu horreysay ka...
Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo loo diiday in uu tago degaan katirsan Hiiraan & xiisad ka jirta
Wararka naga soo gaaraya degaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in halkasi ay ka taagan tahay xiisad ka dhalatay in loo diiday in uu tago Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen. Ciidamada degaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda oo wata Gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa lagu arkay dhamaan waddooyinka gala...
Ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS oo isku fidiyay degaano cusub
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay wehlinayeen Ciidanka Burundi ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS kuna sugan saldhiga Mahadaay ayaa si wada jir ah howlgal uga sameeyay degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalkan oo ujeedjiisu ahaa xaqiijinta Amniga ayaa Ciidamada wadajirka ah waxaa ay ka sameeyeen tuulooyinka koonfur bari ka xiga...
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo Maanta Kulan xasaasi ah yeelanaya
Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta oo Isniin ah ay Xarunta Villa Haregysa ku yeeshaan mid kamid ah Kulamadooda caadiga ah oo ay yeeshaan Xildhibaannada. Guddoonka Golaha Shacabka ayaa Xildhibaannada u diray farriin qoraaleed ku aadan inay kasoo qeyb galaan Kulanka Guud ee Xildhibaannada Golaha Shacabka, isla markaana looga...
Maamulka Koonfur Galbeed oo qaadacay Shir ay ku casuuntay dowladda Soomaaliya
Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa siweyn uga soo horjeestay shirka Culimadda Soomaaliyeed, kaas oo la filayo in uu Maanta ka furmo Magaalada Doxa ee Caasimadda Wadanka Qatar, isla markaana ay soo qaban qaabisay dowladda Soomaaliya. Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta Maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in wax tashi iyo ka qaybgalin...
Turkiga oo ku hanjabay in uu ku biiri doono dagaalka ka dhanka ah Israa’iil
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Axaddii shalay sheegay, in laga yaabo in Turkiga uu gudaha u galo Isra’il, si la mid ah sidi ay horay uga sameeyeen Liiniya iyo Nagorno-Karabakh, balse ma uusan faah-faahin nuuca ay noqon doonto faragelinta uu soo hadal qaaday. Erdogan, oo si aada u dhaleeceeya duullaanka ay Isra’il ku qaadday...