Day: July 3, 2024

Home » Archives for July 3, 2024
DAAWO : Banaanbax ka dhacay Gaalkacyo & digniin adag oo u diray KARAASH.
Post

DAAWO : Banaanbax ka dhacay Gaalkacyo & digniin adag oo u diray KARAASH.

Muqdisho (Raxanreeb )- Maanta oo Arbaca ah waxa magaalada Gaalkacyo ka dhacay dibadbaxyo balaaran oo ay dhigeen wadayaasha Bajaajta Qodobada kale waxa qayb ah , Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Puntlad Axmed Karaash oo digniin adag u diray Somaliland. Weriyaha Raxanreeb ee Muqdisho Hanad Ali Guled ayaa inoo haya qodobadaas & kuwo kale oo xiiso...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku sugan furimaha dagaalka qorsho cusubna ka billaabay
Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku sugan furimaha dagaalka qorsho cusubna ka billaabay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo u kuur-galaya xaaladda Ciidamada Qalabka Sida iyo furimaha dagaalka ka dhanka ah argagixisada ayaa deegaanka Wargaadhi ee Shabeelaha Dhexe kulan kula qaatay Odeyaasha dhaqanka iyo hormuudka bulshada deegaanka. Madaxweynaha ayaa kala hadlay Odeyaasha Wargaadhi, doorkooda ku aaddan xoreynta deegaannada ay gobolka kaga harsan yihiin argagixisadu, isagoo xusay...

Dowladda Soomaaliya oo badaleysa Taargada iyo Leysinka Gaadiidka
Post

Dowladda Soomaaliya oo badaleysa Taargada iyo Leysinka Gaadiidka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in la bedelayo taargadii hore ay isticmaalayeen gaadiidka iyo sidoo kale leysinka baabuurta lagu wado, waxaana la filayaa in dhawaan dowladda soo bandhigto taargada iyo leysinka cusub. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Bashiir Macallin Cali Xasan, ayaa shaaciyay in la bedelayo taargada baabuurta iyo ruqsada wadista baabuurta...

Axmed Madoobe oo godkiisa ay biyo ugu galeen – XOG-CUSUB.
Post

Axmed Madoobe oo godkiisa ay biyo ugu galeen – XOG-CUSUB.

Muqdsho (Raxanreeb )- Magaalooyinka Nairobi iyo Adis Ababa waxa ka socda shirar ay leeyihin siyaasiinta ka soo jeeda deegaanada maamul goboleedka  Jubbaland. Shirarkan oo saacadihii la soo dhaafay bilowday ayaa ah mid lagu doonayo sidii siyaasiinta u hajuumi lahaayeen Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo wax ka bedel ku sameeyo Dastuurka. Siyaasiinta ka qayb galaysa shirarka...

Dhalinyaro farabadan oo lagu xiray Magaalada Baydhabo
Post

Dhalinyaro farabadan oo lagu xiray Magaalada Baydhabo

Ciidamada amaanka magaalada Baydhabo ayaa howlgalo amaanka lagu xaqiijinayo ka sameeyey xaafadaha magaalada Baydhabo. Intii uu socday howlgalka waxaa lagu soo qabtay dhalinyaro badan, kuwaasi oo laamaha amaanku ay isugu yeeyeen goob fagaare ah si baaritaano laagu sameeyo. Dhalinyaradaasi la soo qabtay waxaa booqday wasiirka Amniga KGS, guddoomiyaha gobolka Bay, saraakiisha booliska iyo nabad sugidda....

KENYA : Nin Soomaali ah oo rasaas ku furay dibadbaxyaal oo xabsiga la dhigay.
Post

KENYA : Nin Soomaali ah oo rasaas ku furay dibadbaxyaal oo xabsiga la dhigay.

Mombasa (Raxamreeb )- Hay’adaha amaanka dalka Kenya ayaa shaaca ka qaaday in gacanta ay ku soo dhigeen , mid ka mid ah ganacsatada ismaamulada magaalada Mombasa ee dalka Kenya. Waxaa loo haystaa  inuu rasaas ku furay dadwayne  mudaaharaadayay islamarkaana dhaawacay labo qof oo ka mid ahaa dibadbaxayaashii isugu soo baxay Mombasa. Warkan waxaa warbaahinta la...

RW Xamse oo digniin u diray Shirkado iyo Maraakiibta Shisheeye
Post

RW Xamse oo digniin u diray Shirkado iyo Maraakiibta Shisheeye

Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay inaan cidna laga aqbalayn kalluumeysi sharci darro ah dowlado badanna lagu dacweeyay jiriifka ay ka sameeyaan xeebaha Soomaaliya, isagoona digniin adag u diray shirkadaha iyo dadkale ee kalluumeysiga sharcidarada wada. Ra’iisulwasaaraha oo ka hadlayay munaasabadda Todobaadka Qaran ee Horumarinta Kalluumeysiga Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho ayaa...

‘’Shacabka Puntland ha cunaan kalluunka ‘’–Shir dhiirigelinta cunista Kalluunka+ SAWIRO.
Post

‘’Shacabka Puntland ha cunaan kalluunka ‘’–Shir dhiirigelinta cunista Kalluunka+ SAWIRO.

Garoowe (Raxanreeb )- Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa furay todobaadka dhiirigelinta cunista Kalluunka iyo cuntada kale ee Badda oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland. Todobaadka dhiirigelinta cunista Kalluunka oo ay Wasaaradda Kalluumeysiga kala shaqeeyeen Hay’adaha FAO iyo Bangiga Adduunka, ayaa lagu soo bandhigaya...

Barlamaanka Puntland oo fadhi aan caadi ahayn yeeshay & xubno ay meelmariyeen.
Post

Barlamaanka Puntland oo fadhi aan caadi ahayn yeeshay & xubno ay meelmariyeen.

Garoowe (Raxanreeb )- Maanta oo Arbaca Barlamanka dowladda  Puntland ayaa fadhi ku yeesheen magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland. Kulanka oo ahaa mid muhiimad gaar ah la lahaa ayay mudanayaashu waxa ay ku meel-mariyeen xubno masuuliyiin ah oo dhawaan uu soo magacaabay Madaxwaynaha Puntland Saciid Deni. Waxa uu ahaa kulanka maanta Barlamaanka uu yeeshay  kii...

Banaanbaxyo ka dhacay magaalada Gaalkacyo – Muxuse salka ku hayaa ?
Post

Banaanbaxyo ka dhacay magaalada Gaalkacyo – Muxuse salka ku hayaa ?

Raxanreeb (Gaalkacyo )- Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug maanta oo Arbaca ah waxaa ka dhacay dibadbax balaaran oo ay samayeen wadayasha  Bajaajta ee magaalada. Sida Raxanreeb ay u sheegeen dad ku sugan – magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug wadayaasha  Bajaajta ayaa xirtay waddooyinka muhiimka ah ee magaalada. Waxa ay ku  muujiyeen wadayaasha Bajaajta banaanbaxooda sida...