Beledweyne (Raxanreeb online) – Odayaasha Dhaqanka beesha Xawaadlle ayaa isku raacay in la aaso Meydadka Askarta Ciidanka XDS ka tirsanaa ee lagu dilay degmada Ceel-Baraf ee gobolka Shabeellaha dhexe. Shirka oo uu shir guddoomiyay Ugaaska beesha Xawaadlle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan ayey Odayaasha dhaqanka beesha Cali Madaxweyne oo ka duulaya go’aankoodii shirka Maxaas iyo kulanka...
Month: January 2025
Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xasan Afrax oo loo diiday in uu udhoofo Beledweyne
Muqdisho (Raxanreeb online) – Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xasan Afrax, ayaa saakay ciidamada ammaanka gaar ahaan kuwa nabbadsugida waxa ay u diideen in uu ka dhoofo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, xilli uu kusii jeeday magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Sidoo kale, Qoraal uu Cabfifitaax Xasan Afrax soo dhigay bartiisa Facebook, ayuu ku...
Xiisad colaadeed oo ka curatay Sanaag kadib bayaankii Warsangeli
Sanaag (Raxanreeb online) – Xiisadda colaadeed ee ka jirta magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag ayaa sare u kacday ka dib markii hadallo hanjabaado ah ay is weydaarsadeen beelaha Warsangeli iyo Isaaq ee wada dega gobolka. Khamiistii waxaa bayaan soo saaray beelaha Warsangeli oo shir uga socday degmada Ceel Buh ee gobolka Sanaag. Shirkaas lagu soo...
Ciidanka Xoogga oo howlgalo ka fuliyay deegaano hoostaga degmada Xudur
Xudur (Raxanreeb online) – Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya oo ku sugnaa degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, ayaa sameeyay howlgallo ka dhan ah kooxda Al-shabaab, kuwaa oo ku sugnaa deegaanno kuyaalla duleedka magaalada Xudur. Sidoo kale, howlgalkan ay fuliyeen ciidamo cusub oo dhawaan kusoo biiray milatariga Soomaaliya laguna tababaray gudaha degmada Xudur, ayaa la sheegay...
Xildhibaan u ololeeya aqoonsiga Soomaaliland oo kulan laqaatay madaxweyne Ciro
Hargeysa (Raxanreeb online) – Xildhibaan Gavin Williamson oo ka tirsan baarlamaanka dalka UK, ayaa sheegay in uu sii xoojinayo ka shaqeynta sidii maamulka Somaliland loogu aqoonsan lahaa dal ka madaxbannaan Soomaaliya. Sidoo kale, Gavin Williamson oo safka hore kaga jira siyaasiyiinta dhaqaalaha uga qaato Somaliland u ololeynta in dal madaxbannaan noqdaan, ayaa la kulmay Madaxweynaha...
Dowladda Masar oo ka gadooday hadal kasoo yeeray hoggaamiyaha cusub ee Suuriya
Qaahira (Raxanreeb online) – Dawladda Masar ayaa lagu soo waramayaa inay dalkeeda ka mamnuucday muwaadiniinta Suuriya, sababo la xiriira inay dawladda cusub ee Suuriya howlgalisay oo doorar laga siiyay nidaamka muwaadiniin Masaari ah oo ka mid ah liiska shaqsiyaad ay doonayeen hay’adaha ammaanka ee Masar. Sidoo kale, Masar ayaana ka carootay doorka muwaadiniin u dhashay...
Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland oo magacaabay guddi ka shaqeynaya diwaangelinta ciidanka Jubbaland ee gobolka Gedo
Kimsaayo (Raxanreeb online) – Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Dowladda Jubbaland, Mohamud Sayid Aden ayaa magacaabay guddi ka shaqeyn doona abaabulka, diiwaangelinta, iyo isku dubaridka qeybaha kala duwan ee Ciidanka Jubbaland ee ku sugan Gobolka Gedo. Sidoo kale, Guddigan la magacaabay ayaa ka shaqeyn doona abaabul iyo qorista ciidamo cusub , kuwaa oo logu tala...
Wafdi ka socda dowladda Itoobiya oo soo gaaraay magaalada Muqdisho + ujeedka
Muqdisho (Raxanreeb online) – Xogo hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in wafdi ka socda dowladda Itoobiya ay saacadihii lasoo dhaafay soo gaareen magaalada Muqdisho, xogtan ayaana laga qariyay warbaahinta. Sidoo kale, wafdigan ayaa ka kooban wasiirka gaashaandhigga Itoobiya wasiir dowlaha arrimaha dibadda Itoobiya iyo taliyaha ciidanka xoogga Itoobiya. Dhanka kale, wafdigan ayaa lagu soo...
Kooxda Daacish oo shaacisay Ajaaniibtii fulisay weerarkii Dharjaale dalalka ey kasoo jeedaan
Muqdisho (Raxanreeb online) – Kooxda Daacish, ayaa weerar qaraxyo ku bilowday maalintii Talaadada ku qaaday saldhig ay lahaayeen ciidanka difaaca Puntland, waxaana goobta weerarka ka dhacay lagu dilay dhammaan raggii weerarka soo qaaday oo gaarayay 12- xubnood oo ajaaniib ah. Sidoo kale, War kasoo baxay kooxda Daacish ayey ku sheegatay masuuliyadda weerarkii ka dhacay gobola...
Dhulalka danta guud ee lala wareegay labadii sano ee lasoo dhaafay
Muqdisho (KAAB TV) – Liiska dhulalka danta guud ee lala wareegay labadii sano ee lasoo dhaafay, kuwaasoo dadkii rayidka ahaa ee degganaa laga kiciyay, lagana iibiyay ganacsato. Waxyaabaha mudan u fiirsashada ayaa ah in iyadoo dhaqaale burbur baahsan iyo sicir barar daran uu ka jiro Muqdisho, ayaa waxaa laga dareemayaa koboc xagga maalgashiga hantida ma-guurtada ah....