Muqdisho ( Raxanreeb Online) Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa xalay howlgal qorsheysan ka fuliyay aagga deegaanka Basro ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ku dileen maleeshiyaad ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, sida lagu sheegay war rasmi ah oo ka soo baxay hay’adda. “Howlgalkan oo labo jeer oo kala duwan lagu beegsaday Khawaarijta,...
Month: March 2025
Ciidanka dowladda iyo xubno katirsan Shabaab oo weli ku dhex dagaalamaya hotel Qaahira
Baladweyne ( Raxanreeb Online) Faaf faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerarkii saakay kooxda Al-shabaab ay ku qadeen Hotel Qaahira ee ku yaalla xaafada Howl-wadaag ee magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan. Warar hordhac ayaa sheegaya in weerarka ku dhintay 10 qof oo ay ku jiraan Odayaal dhaqan, Siyaasiyiin, dhalinyaro iyo Sarkaal sare oo...
Gabar Adeerkeed ku dishay Kenya
Kenya ( Raxanreeb Online) Ciidamada Booliska Kenya gaar ahaan waaxda dambi baaritsa ayaa waxa ay dabalgal ku hayaan Gabar 19 jir ah oo dishay Adeerkeed oo 41 jir ah. Dilka ayaa Booliska waxa ay shegeen inuu ka dhacay Xaafada Ong’eche ee ismaamulka Kisumu ee dalka Kenya. Gabadha ayaa la sheegay sababta ay u dishay adeerkeed...
Dolwadda Suuriya iyo Ciidamada Kurdiyiinta oo heshiis gaaray
Dimishiq ( Raxanreeb Online) Madaxtooyada Suuriya ayaa Isniintii ku dhawaaqday heshiis ay sheegtay in Isniintii shalay ay kala saxiixdeen Dowladda Suuriya iyo kooxda hubeysan ee Kurdiyiinta Suuriya ee loo soo gaabiyo SDF. Dhinacyada ayaa sheegay in ay ku heshiiyeen in SDF oo maamusha gobolka Waqooyi-bari ay ku biirto dowladda cusub, isla markaana ay ciidamadoodu la...
Faaf faahin: weerar ku biloowday qaraxyo oo ka socda hoteel ku yaalla Baladweyne
Baladweyne ( Raxanreeb Online) Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo iyo weeraro toos ah oo ay Al-shabab ay saakay ku qadeen magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan. Weerarka ayaa ka soconaya hotelka Qaahira, oo ku yaalla xaafad Howlwadaag ee magaalada Baladweyne, waxaana la maqlaya dhawaaqaya jug culus io dagaal toos ah oo gudaha hotelka...
DEG DEG : Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Beledwayne + Xaaladda
Beledwayne (Raxanreeb ) Wararka Raxanreeb uu ka helayo magaalada Beledwayne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halakas goor dhaw uu ka dhacay qarax xoogaan oo waxyeelo – gaystay. Gaari ayaa lagu qarxiyey Hotel Qaahira oo kuyaalla Galbeedka magaalada Baladweyne, rag hubaysan ayaana gudaha u galay hotelka. Sida dad halkaas ku sugan ayaa sheegayaan mooto bajaaj...
Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta u amba baxay dalka Imaaraatka Carabta
Muqdisho ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u safray dalka istugga Imaaraatka Carabta, kaddib caasumaad uu ka helay madaxda dalkaasi. Madaxtooyada Soomaaliya waxa faah faahin ah kama aysan bixin mudada uu qaadan doono iyo ujeedka safarkiisa, iyo waxa uu salka ku hayo. Dhinaca kale madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay...
Kooxda Shabaab oo isaga baxday deegaano ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe iyo sababta
Ceel-baraf ( Raxanreeb Online) Sida ay sheegayaan wararka anu ka heleyno gobolka Shabeellaha Dhexe kooxda Al-shabaab, ayaa iskaga baxday magaalooyinka Ceel-baraf iyo Biya-cadde kaddib markii ay la kulantay duqeymo culus oo laga fuliyay halkaasi. Wararka ayaa intaas ku adaraya in kooxda ay iskugu yeertay dad yar oo ku sugnaa Ceel-baraf, kadibna ay ku wareejiyeen furaha...
Golaha Shacabka oo u codeeyey hindise sharciyeedka Cadaaladda day’yarta Soomaaliyeed
Muqdisho ( Raxanreeb Online) Kulan ay maanta Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, ku yesheen xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ayey uga hadleyn ajandayaal dhowr ah. Kulanka xildhibaanada ayaa waxaa shir guddoominayay Guddoomiye Aadan Madoobe iyo ku-xigeenadiisa, waxaa kulan soo xaadiray inta badan xildhibaanada golaha Shacabka. Xildhibaanada oo akhris kala duwan soo marsiiyey hindise...
Muxuu kala hadlay madaxweyne Xasan Sheekh culimada Soomaaliyeed ?
Muqdisho ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka kulan afur ah kula qaatay culimada Soomaaliyeed, isaga oo la wadaagay muhiimadda isku xirnaanta culimada, shacabka iyo dowladda oo laf-dhabar u ah qarannimada Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa culimada ku bogaadiyey kaalintooda muhiimka ah ee ay ku leeyihiin wacyigelinta bulshada, dib-u-heshiisiinta iyo xasilinta...









