Baladweyne ( Raxanreeb Online) Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo iyo weeraro toos ah oo ay Al-shabab ay saakay ku qadeen magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Weerarka ayaa ka soconaya hotelka Qaahira, oo ku yaalla xaafad Howlwadaag ee magaalada Baladweyne, waxaana la maqlaya dhawaaqaya jug culus io dagaal toos ah oo gudaha hotelka ka socda, sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo.
Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ah ee ka dhashay weerarkan, maadama uu weli socdo xaaladana ay tahay mid adag.
Goob jogayaal ayaa ku waramaya in xubno katirsan Al-shabaab ay ka dhex dagaalamayaan hotelka iyo nawaaxigiisa, ciidanka dowladana ay doonayaan in ay soo afjaraan dableyda weerarka soo qaaday.
Wixii ku soo kordho warkan halka kala soco.
Leave a Reply