Muqdisho ( Raxanreeb Online) Waxaa dib xoriyadooda u helay Agaasimaha Guud ee warbaahinta Shabelle, Abuukar Sheekh Maxamed ( Abuukar Iskaay) iyo ku-xigeenkiisa Maxamuud Soofeysane oo maanta lagu xiray saldhigga Booliska degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir. Sababaha loo xiray ayaa lagu sheegay in dowladda ay dhibsatay wareysi Shabeelle ay ka qadaay Gudoomiyaha Xisbiga Shacabka Soomaaliyeed Cabdiraxmaan...
Month: April 2025
Agaasimaha guud ee warbaahinta Shabelle iyo ku-xigeenkiisa oo maanta lagu xiray Muqdisho
Muqdisho ( Raxanreeb Online) Ciidamada Booliska saldhigga degmada Xamarweyne ayaa maanta xiray Agaasimaha guud ee warbaahinta Shabelle Abuukar Sheekh Maxamed ( Abuurkar Sky ), iyado saacado ka hor isla saldhigaas lagu xiray Agaasime ku-xigeenka Shabelle Maxamuud Cabdinaasir Soofeysane . Maamulka guud ee Shabelle, ayaa shaaciyay in Agaasimaha iyo ku-xigeenkiisa waqti kala duwan looga yeeray saldhigga...
RW Xamsa oo si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Laascaanood
Laascaanood ( Raxanreeb Online) Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa goordhaw gaaray magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Ra’iisul wasaaraha ayaa si weyn waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Laascaanood ugu soo dhoweeyay mas’uuliyiinta kala duwan iyo shacabka fara badan. Waxaa la filaya in Ra’iisul wasaare Xamsa uu kulan la qaato madaxda iyo Bulshada...
Wasiirka Difaaca dalka oo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ciidanka xoogga ay garab istaagaan
Maanta oo ah 12 April waxa ay ku began tahay sannad guuradii 65-aad ee aas aaska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed. Madaxda ugu saareysa dalka ayaa hambalyo u diray ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, oo xiligaan dagaal adag kula jira kooxaha Al-shabaab iyo Daacish oo dhibaato badan ku haya shacabka Soomaaliyeed. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee xukuumadda Soomaaliya...
RW Xamsa oo u amba baxay magaalada Laascaanood
Muqdisho ( Raxanreeb Online) Ra’iisul wasaaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa inay goor dhow ka degaan magaalada Laascaanood. Diyaar-garow ayaa ka socda magaalada oo lagu soo dhoweynayo Ra”iisul wasaaraha oo safarkiisa la sii shaaciyay maalmo kahor. Sida uu sheegay afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Farxaan Maxamed Jimcaale, booqashada raysalwsaaraha...
Saraakiil katirsan maamulka Trump oo soo jeediyay in la xiro safaaradda Mareykanka ee Muqdisho
New York ( Raxanreeb Online) Sida ay wararka sheegayaan saraakiil katirsan maamulka madaxweyne Trump, ayaa soo jeediyay in la xiro safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, kaddib khatar culus oo laga muujiyay Al-shabaab. Wargeyska The Times ee kasoo baxa Mareykanka, ayaa qoray in qaar ka mid ah Saraakiisha ugu sarraysa wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dawladda Maraykanka ay...
Meydka Jeneraal Sheegoow oo maanta loo qaaday magaalada Jowhar
Muqdisho ( Raxanreeb Online) Meydka Jeneraal Sheegoow Axmed Cali, ayaa maanta laga qaaday Muqdisho isga oo la geeyay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe, si halkaasi loogu aaso. Ka hor inta aan la qaadin Meydka Jeneraalka ayaa salaada Janaasada waxaa lagula tukaday isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb galay Eelkiisa iyo dad badan...
Golaha wasiirada oo meel mariyay heshiis ay wada galeen Soomaaliya iyo Masar
Muqdisho ( Raxanreeb Online) Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa lagu bogaadiyey howlgallada dalka looga sifeynayo kooxaha Khawaarijta ee ku dhuumaleysanaya qeybo kamid ah gobollada dalka. Kulanka golaha ayaa waxaa shir guddoominayay Ra’iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre, waxaana lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka,...
Dowladda Soomaaliya oo ka warbixisayay howlgallo ka socda gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe
Hir-shabeelle-Somalia ( Raxanreeb Online) Afhayeenka wasaaradda Gaashaandhigga ee xukuumadda Soomaaliya Abuukar Maxamed Xasan, oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay howlgalladii u dambeeyay ee ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ka sameyeen gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan. Afhayeenka ayaa sheegay in howlgal ka dhacay deegaanka Ceelka Nuur Gadow lagu dilay 5 xubnoo oo katirsanaa Al-shabaab,...
Ukraine oo sheegtay in ay qabatay askar u dhalatay Shiinaha
Ukraine ( Raxanreeb Online) Ciidamada Ukraine ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen laba muwaadin oo Shiinaha u dhashay, kuwaasi oo u dagaallamayay ciidammada Ruushka ee gobolka Donetsk, bariga Ukraine, sida uu sheegay Madaxweynaha dalkaasi, Volodymyr Zelensky. Talaadadii ayaa madaxweynaha Ukraine waxa uu tilmaamay in ay hayaan xogo muujinaya in tirada ciidanka Shiinaha ee ka...