Muqdisho ( Raxanreeb Online) Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa tiro Hobiyeyaal ah oo goordhaweyd lagu garaacay degmooyin katirsan gobolka Banaadir, gaar ahaan kuwa ku dhow xarunta madaxtooyada Soomaaliya. Hoobiyeyaasha oo inta badan laga maqlay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho, ayaa si gaar ah ugu dhacay degmooyinka, Xamarjabab, Xamarweyne iyo Shibis ee magaalada Muqdisho....
Month: April 2025
Golaha Shacabka oo maanta kulan ku leh xarunta Villa Hargeysa
Muqdisho ( Raxanreeb Online) Xildhibaanada Baarlamaanka golaha shacabka ayaa maanta la filaya in kulankoodi caadiga ahaa ku yesheen xarunta Villa Hargeysa, kaddib muddo ay fasax ku jireen. Xoghayaha joogtada ee golaha shacabka, ayaa xalay xildhibaanada u diray farriin ku aadan in ay soo xaadiraan kulanka golaha, inkasto aan la shaacin ajandaha kulanka, hadana waxaa la...
RW Xamsa oo dhagax dhigay dhismaha cusub ee wasaaradda Beeraha ee Soomaaliya
Muqdisho ( Raxanreeb Online) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarun cusub oo weyn oo casri ah, taas oo ay yeelan doonto Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in Wasaaradda Beeraha looga fadhiyo sidii ay u horumarin lahayd wax-soosaarka dalka oo kaalin wayn ka qaata...
Wararkii ugu dambeeyay dagaal khasaaro geystay oo saakay ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo
Baydhabo ( Raxanreeb Online) Wararka inaga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, ayaa ku waramaya in dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo Al-shabaab uu saakay ka dhacay duleedka magaaladaasi. Dagaalka ayaa yimid kaddib markii Al-shabaab, ay weerar gaadmo ah ay ku soo qadeen saldhiga ciidamada dowladda ay ku lee yihiin tuulada Baar Burjeed...
Ciidanka dowladda iyi kuwa Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay degmada Aadan Yabaal
Aadan Yabaal ( Raxanreeb Online) Dowladda Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay duqeyn diyaaradeed oo xalay laga fuliyay gudaha degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe. War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda federaalka ayaa lagu sheegay in xalay ciidamada dowladda iyo kuwa Mareykanka ee ( AFRICOM), ay howlgal cirka ah ka fuliyeen degmada Aadan Yabaal, oo gelinkii...
Kooxda Al-shabaab oo la wareegay deegaanka Aadan Yabaal
Aadan Yabaal ( Raxanreeb Online) Wararka inaga soo gaaraya degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa sheegaya in goordhaw ay degmadaasi la wareegeen kooxda Al-shabaab, kaddib markii saakay ay weerar dhowr jiho ah ay ku qadeen halkaasi. Dagaalka oo ku biloowday qaraxyo ayaa socday muddo 5 saacadood ah kaasi oo u dhaxeeyay Shabaabkii weerarka...
Mareykanka oo dhimaya awooda safaaradiisa Muqdisho iyo kuwo kale oo caalamka ku yaalla
New York ( Raxanreeb Online) Dowladda Mareykanka, ayaa la sheegay in ay xiri doonto ku dhowaad 30 Safaaradood iyo Qunsuliyeed oo ay ku lee dahay wadamada Caalamka. Warbixin ay baahisay CNN, ayaa lagu sheegay in dukumintiyo ay ka heleen wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, ay ku ogaadeen in Washington ay dhimeyso awooda safaaradaheeda Ciraaq iyo Soomaaliya...
RW Xamsa oo kormeeray xarunta diiwaan-gelinta ee codbixinta degmada Shangaani
Muqdisho ( Raxanreeb Online) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer ku tagey xarunta diiwaan gelinta codbixiyeyaasha ee degmada Shangaani oo ay ka socoto diiwaan galinta dadweynaha doonaya in ay qaataan kaararka codbixinta doorashooyinka oo muwaadinka xaq u siinaya in uu doorto ciddii uu doonayo inay hoggaamiso. “Waa guul in Shacabka...
Ciidamada RSF ee Suudaan oo ku dhawaaqay dowlad gaar ah
Suudaan ( Raxanreeb Online) Ciidamada Gurmadka Degdegga ah ee RSF ayaa ku dhawaaqay dhismaha dowlad ka soo horjeedda ciidamada qalabka sida ee dalkaas, iyadoo labo sano uu socday dagaal, kaas oo noqday dhibaatada bini’aadantinimo ee ugu weyn caalamka. Hoggaamiyaha Ciidamada Gurmadka Degdegga ah (RSF), Maxmaed Xamdaan “Hemedti” Dagalo, ayaa sheegay in kooxdu “ay dhisayso mustaqbalka...
Dagaal culus oo ka socda degmada Aadan Yabaal
Hir-shabeelle- Smalia ( Raxanreeb Online) Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xooggan oo Al-shabaab saakay ku qadeen saldhig ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ku lee yihiin degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Al-shabaab ayaa la sheegay in weerar saddex Jiho ah ay ku qadeen degmada, waxaana intaas ka kaddib bilaabay dagaal toos...









