Baydhabo ( Raxanreeb Online) Wararka inaga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, ayaa ku waramaya in dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo Al-shabaab uu saakay ka dhacay duleedka magaaladaasi.
Dagaalka ayaa yimid kaddib markii Al-shabaab, ay weerar gaadmo ah ay ku soo qadeen saldhiga ciidamada dowladda ay ku lee yihiin tuulada Baar Burjeed oo ku dhaw deegaanka Daynuunaay ee gobolka Baay.
Ilo wareedyo ayaa inoo sheegay in dagaalka uu ahaa mid xooggan isla markaana laisku adeegsadayay hubka noocyadiisa kala duwan, uuna ka dhashay khasaaro badan.
Wararka ayaa waxa ay intaas ku darayaan in ciidamada xoogga ay ka hortageen weerar ay kooxda Al-shabaab ku dooneysay in ay ku qabsato saldhig ciidanku yihiin duleedka magaalada Baydhabo,balse ay la kulmeen filasho aysan qabin waana lajabiyey .
Sidoo kale meydadkooda ayaa la waray, oo ay kujiraan Ajaaniib cadaan ah, oo katirsan kooxda Al-shabaab.
Geesta kale boqolaal dadweynaha ku nool magaalada Baydhabo, ayaa isugu baxay magaalada si ay u dawadaan meydadka xubnaha Al-shabaab ee saakay lagu dilay weerarka ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Leave a Reply