Muqdisho ( Raxanreeb Online) Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka xuntahay diyaaraddii manta ku dhacday garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde. Waxay sheegeen inay tacsi u dirayaan ehelada geesiyada geeriyooday iyagoo howlahooda shaqo ku jira iyagoo dhanka kalena caafimaad deg deg ah u rajeeyay kuwa uu dhaawaca soo gaaray. Waxaa kale oo ay intaa...
Month: July 2025
Wasiirka Gaashaandhigga oo kulan la yeeshay howlgalka tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya
Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, iyo howlwadeenada sare ee Wasaaradda ayaa maanta kulan la yeeshay koox ka socotay Hawlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUTM-S), oo uu hoggaaminayay Colonel Riccardo Peretto, Madaxa Kooxda La-taliyeyaasha EUTM-S. Intii uu kulanku socday, Wasiir Fiqi wuxuu uga mahadceliyay Midowga Yurub taageerada...
Diyaarada Turkish Airlines oo cabsi darteed ka degi weysay garoonka Aadan Cadde
Muqdisho ( Raxanreeb Online) Diyaaradda Turkish Airlines oo goordhow rabtay in ay kasoo degto garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, ayaa dib uga noqotay kaddib markii ay ku burburtay qeyb garoonka kamid ah diyaarad nooca helicopter-ka oo ay leeyihiin Ciidanka ATMIS. Turkish Airline oo waday Rakaab ayaa amniga dadka saaran awgeed u go’aansatay in...
Madaxweyne Trump oo hanjabaad u diray dalka Japan
Washington ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku hanjabay in uu canshuur 30% ama 35%” saarayo Japan, haddii aan la gaadhin heshiis u dhexeeya labada dal ka hor dhammaadka toddobaadka soo socda. Tallaabadan ayaa waxa ay qayb ka tahay waxa uu Trump ugu yeedhay “Maalinta Xoriyadda” ee 2-da Abriil, markaasi oo uu ku...
Faah faahin: diyaarad nooca qumaatiga u kacda ee Helicopter oo burburtay garoonka Muqdisho
Muqdisho ( Raxanreeb Online) Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya diyaarad Helicopter ah oo ay lee yihiin howlgalka AUSSOM oo ku burburtay qeybta Afisyooni ee garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho. Diyaarada burburtay oo aheyd mid militeri ayaa la sheegay in ay kasoo kacday garoonka Baledgole ee gobolka Shabeellaha Hoose. Maareeyaha guud ee hay’adda duulista rayidka...
Soomaaliya iyo Tanzania oo horumarinaya iskaashi wadaagga
Tanzania ( Raxanreeb Online) Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta kula kulmay Magaalada Dares Salaam, dhiggiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Bariga Afrika, Danjire Mahmoud Thabit Kombo, isaga oo kala hadlay siyaabaha lagi xoojin karo xiriirka labo geesoodka, laguna ballaarin karo iskaashiga dhinacyada kala duwan si loo gaaro horumar labada dhinac...
Trump iyo Netanyahu oo kulmaya toddobaadka dambe
Washington ( Raxanreeb Online) Madaxda Mareykanka waxay sheegeen in madaxweyne Donald Trump uu doonayo in uu ku martigeliyo raysalwasaaraha Isreal aqalka cad 7-da Bishan July. Kulanka ayaa ku soo aadaya kaddib markii Trump u uku baaqay xabadjoojin dhexmarta Israel iyo Xamas lana soo daayo la haystayaasha weli gacanta Xamaas ku jira. Afhayeenka Trump, Caroline Levitt...
Somaliland oo eedeeyn kulul u jeedisay dowladda federaalka
Hargeysa ( Raxanreeb Online) Wasiirka wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo Wacyigalinta ee Somaliland, Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle ayaa sheegay in aragtida Dublamaasiyadeed ee madaxwaynaha Somailand uu ku hogaaminayo ay tahay in qadiyada Somaliland la geeyo miis kasta oo danta Somaliland ku jirto. ” Qadar waa dal in badan ku taamayey inuu dhiso dowlad soomaaliyeed balse...
Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta ka qeyb galay xuska maalinta xorriyada iyo midnimada dalka
Muqdisho ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay munaasabadda xuska sannad guurada 65-aad ee xornimada iyo Midnimada dalkeenna ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay xoojiyaan wadajirkooda, midnimada iyo dowladnimada. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Taliyaha Guud ee Ciidanka Qalabka Sida oo uu wehelinayo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage...
MW Xasan oo calanka saaray madaxtooyada qaranka xuska 65 sanno guuradii xorrimada
Muqdisho ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa calan-saaray Madaxtooyada Qaranka, xuska 65-guurada ka soo wareegtay maalintii ay Soomaaliya xorriyadda iyo midnimada heshay awgeed. Munaasabadda calan-saarka ayaa ku qabsoomtay Madaxtooyada, iyadoo Madaxweynaha uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Xuskan taariikhiga ah ayaa ah...









