MW Xasan oo calanka saaray madaxtooyada qaranka xuska 65 sanno guuradii xorrimada

MW Xasan oo calanka saaray madaxtooyada qaranka xuska 65 sanno guuradii xorrimada

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa calan-saaray Madaxtooyada Qaranka, xuska 65-guurada ka soo wareegtay maalintii ay Soomaaliya xorriyadda iyo midnimada heshay awgeed.

Munaasabadda calan-saarka ayaa ku qabsoomtay Madaxtooyada, iyadoo Madaxweynaha uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Xuskan taariikhiga ah ayaa ah mid milgo iyo xusuus gaar ah u leh ummadda Soomaaliyeed, waxa uuna muujinayaa halgankii geesinimada lahaa ee ay shacabka Soomaaliyeed u soo galeen xornimada iyo midnimada dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.