MD Xasan Sheekh ‘’Raali kama ihi mana ka noqon doono xaaladda Laascanood ‘’

MD Xasan Sheekh ‘’Raali kama ihi mana ka noqon doono xaaladda Laascanood ‘’

Baydhabo (Raxanreeb ) Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu aad ugu xun- yahay in sii socoshada dagaalka dhiiga badan ku daadanaya ee ka socda  magaalada Laasacnood.

Madaxwaynaha ayaa sheegay in la joogo waqtigii wada – hadal lagu dhameyn lahaa xiisada ka taagan magaalada Laasacnood oo uu yir waa in lagu dhameeyo wada- hadal iyo is ogol.

Waxa uu sheegay Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya in aysan  raali ka ahayn kana ahaan doonin waxa ka dhacaya magaalada Laascanood oo natiijooda keliya ay tahay  dhimashada dadka rayidka ah .

“Beryahan waaad la socotaan dhibaato ayaa ka taagan magaalada Laascaanood iyo deegaannada ku xeeran, in badan oo horena waa ka hadalnay waxaasi in ay na gubayaan na dhibayaan aanan raali ka ahayn’’ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Intaas waxa uu warkiisa raaciyay in Somaliland looga fadhiyo in ay la hadasho dadka deegaanka , oo wax kasta lagu dhameeyo wada – hadal bedelkii qori caradiisa la iskala carari lahaa.

Hadalka Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa imaanaya , xilli wali dagaalo ay ka socdaan magaalada Laasacnood ee   gobolka Sool , isla markaana wax xal ah laga gaarin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.