Ciidamo fara badan oo waddooyinka Muqdisho wareegaya & sababta

Ciidamo fara badan oo waddooyinka Muqdisho wareegaya & sababta

Muqdisho (Raxanreeb ) Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaaday markale  howlgal ka dhan ah kooxaha amni darrada ka gaysta magaalada Muqdisho.

Howlgaladan ayaa ka danbeeyay ka dib markii magaalada ay ka dhaceen saacadihii la soo dhaafay falal wax u dhimi kara amniga magaalada Muqdisho.

Ciidamada booliiska ayaa sidoo kale wada howlgalo lagu hubinayo xaafada iyo guryo bartilmaameed ah si loo xaqiijiyo amniga iyo xasiloonida xaafado katirsan caasinadda.

Saraakiisha Dowladda ayaa sheegay in ay sii socon doonaan howlgalada ka dhanka ah kooxaha falalka ami darro ka gaysta magaalada Muqdisho oo aad u soo kordhay.

Koox hubaysan ayaa shalay weerar toos ah ku qaaday , xarunra wasaaradda Gaashaandhigga ee  ku taala wadada Warshadaha ee Muqdisho , halkaas oo dhimasho iyo dhaawac uu ka soo gaaray ciidanka Dowladda iyo kooxaha weerarka gaystay.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay sii xumaanayay, waxaana magaalada ka dhacayay dilal qorsheesan iyo qaraxyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.