Isra’iil oo wada duqeymaha ay ku beegsanayso Caruurta iyo Haweenka

Isra’iil oo wada duqeymaha ay ku beegsanayso Caruurta iyo Haweenka

Gaza (Raxanreeb)  Maalintii 19aad ee dagaalka Gaza, Israa’iil waxay sii waday duqeymaha ay ku hayso dadka rayidka ah iyadoo 700 oo qof ay 24 saac gudahood ku dhinteen magaaladaas, taasoo tirada guud ka dhigaysa 6,546 iyo 17,500 oo dhaawac ah kuwaasoo u badan caruur iyo haween, sida lagu sheegay xogta Wasaaradda Caafimaadka Marinka Gaza.

Sidoo kale guutada Al-Qassam ayaa ka jawaabtay duullaanka Israa’iil, waxayna gantaal “Ayash 250” ku soo weerareen magaalada Eilat oo ku taal badda cas una jirta Gaza 220 KM, waxayna sidoo kale ku duqeeyeen magaalada Haifa gantaalka “R-160”.

Daanta Galbeed, xiisadda Israa’iil ayaa sii socotay, iyadoo 6 falastiiniyiin ah ay dileen, 80 kalena la xiray intii ay socdeen howlgallada ay ka wadeen magaalada Jenin iyo xeradeeda.

Iyadoo xaalada bini’aadantinimo ee Qaza ay sii xumaanayso, xaalada nidaamka Caafimaadka iyo isbitaaladana ay ka sii darayaan ayaa dowladaha Qatar iyo Turkiga waxay ku baaqeen in la joojiyo dagaalka Gaza iyo in gargaar la gaarsiiyo dadka ku go’doonsan.

Dhanka kale, magaalada New York, kooxda Carabta ee Qaramada Midoobay iyo Ruushka ayaa soo bandhigay laba qaraar oo qabyo ah oo kala duwan oo ay ku dalbanayaan xabbad-joojin, taa beddelkeedana Maraykanku wuxuu soo bandhigay qaraar qabyo ah oo ku baaqaya oo keliya xabbad-joojin bini’aadantinimo.

Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa ku eedeeyay Mareykanka inuu hagayo weerarka Israel ee Gaza.

“Mareykanku waa saaxiib dhab ah oo dambiilayaal ah,” ayuu yiri Khamenei mar uu khudbad ka jeedinayay Tehran. “Maraykanku si uun buu u hagayaa dambiga laga gaysto Gaza”

Khamenei wuxuu intaas ku daray in gacmaha Mareykanka ay ku wasakhoobeen dhiigga kuwa dulman, carruurta, bukaannada, haweenka iyo kuwa kale.

Talaadadii, Maraykanku wuxuu Iran ku eedeeyay “inay si firfircoon u fududeyso” weerarrada gantaallada iyo kuwa aan duuliyaha lahayn ee ay kooxaha ay taageerto ku weerareen ciidamada Mareykanka ee Ciraaq iyo Siiriya.

Xamaas ayaa gantaal rido dheer ku soo riday dhanka dekeda Eilat ee koonfurta Israa’iil oo dhacda gacanka caqaba.

Milatariga Israel ayaa sheegay in gantaalku uu ku dhacay meel banaan ah ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay weerarkan oo u muuqday midkii ugu dheeraa ee Falastiiniyiinta tan iyo 7-dii October.

Leave a Reply

Your email address will not be published.