Somalia oo kamid noqotay dalalka ugu hooseeya horumarka Haweenka

Somalia oo kamid noqotay dalalka ugu hooseeya horumarka Haweenka

Washington (Raxanreeb) – Warbixin ay si wadajir ah u soo diyaariyeen labo machad oo Caalami ah ayaa lagu soo bandhigay qiimeyn lagu sameeyay heerarka horumarka iyo nolosha haweenka ee kunoo 177 waddan.

Sidoo kale, Machadka The George Washington Institute iyo Machadka Cilmi-baarista Nabadda ee The Oslo Peace Research Institute waxa ay warbixintooda oo hal-ku-dheg looga dhigay:The 2023 Women, Peace and Security (WPS) Index report, taa ay ku muujiyeen Natiijada rasmiga ee daraasaddan ay ku qiimeeyeen heerarka horumarka ee haweenka ku nool dalalka Caalamka.

Tobanka waddan ee haweenkooda gaareen horumarka muuqda ayaa ka soo kala jeeda dalalka: Denmark, Sweden, Switzerland, Finland, Iceland, Luxembourg, Norway, Austria, The Netherlands iyo New Zealand.

Dhanka kale, dalalka ay haweenkooda kaalimaha ugu hooseeya ka galay qiimeynta heerarka horumarka ee haweenka caalamka ayaa kala ah: Afghanistan, Yemen, Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe (C.A.R),  Congo (DRC), Sudan, Syria, Somalia iyo Iraq.

Si kastaba, Warbixintan qiimaynta heerarka horumarka nolosha haweenka ee caalamka oo la baahiyey isbuucan ayaa waxaa isku soo duway labada Machad ee kala ah: Machadka Georgetown Institute for Women, Peace and Security (GIWPS) iyo Machadka The Peace Research Institute Oslo (PRIO)

Leave a Reply

Your email address will not be published.