35 dhallinyaro Soomaaliya oo India  la geeyay si Maxkmad loo saaro.

35 dhallinyaro Soomaaliya oo India  la geeyay si Maxkmad loo saaro.

Mumbai (Raxanreeb )- 35 qof oo ah Burcad badeed lagu qabtay markabka MV Ruen ayaa  maanta oo Sabti ah  laga dajiyay magaalada  Mumbai.

Kooxdan  oo gacanta lagu dhigay ayaa magaaladaas loogu dejiyay si loo maxkamadeeyo isla markaana lagu ciqaabo eedeymaha loo haysto ee afduubka  markabka MV Ruen.

Hawlgal socday in ka badan 40 saacadood oo billowday saacadihii hore ee Maarso 15, ayaa ciidamada badda ee dalka India waxay ku qabteen Markabkii MV Ruen ee burcad badeeddu haysteen.

Markabka ayaa la sheegay in loo adeegsan jiray in lagu qaado weerarada burcad badeedda ee ka dhanka ah maraakiibta ganacsiga.

Dowladda Hindiya ayaa sheegtay in howlgalku “uu taageeray mabaadii’da sharciga caalamiga ah iyo sida ay uga go’an tahay xaqiijinta bad-qabka iyo amniga badda ee gobolka”.

Xilliga howlgalku dhacayey markabka ayaa ku sugnaa masaafo 1400 Nautical Miles u jirta xeebta badweynta Hindiya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.