Farmaajo ,Shariif & DENI oo shir ka yeeshay furista Dastuurka.

Farmaajo ,Shariif & DENI oo shir ka yeeshay furista Dastuurka.

Garoowe (Raxanreeb )- Shir udhaxeeyo Madaxweynayaashii horee ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxda maamulka Puntland ayaa goordhow ka furmay Xarunta Madaxtooyada Puntland.

Shirka maanta waxaa goob joog ah Xildhibaano katirsan labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin katirsan Golayaasha Puntland waxaana diiradda lagu saarayaa arrimaha masiiriga ah ee dalka, gaar ahaan arrimaha Dastuurka oo dood badan ka taagan tahay.

Dhinacyadan ayaa diirada saarayo jihada ay Madaxtooyada Soomaaliya u wajahayso qodobada masiiriga ah ee dalka, gaar ahaana Bedelka Dastuurka iyo Haykalka dawladnimadii ay Soomaalidu horey ugu heshiisay.

Shirka uga furmay magaalada Garawe siyaasiyiinta kasoo horkeeda wax ka bedelka Dastuurka ayaa la filayaa in ay kasoo saaraan war-murtiyeed ay uga soo horjeedaan in xilligan wax laga bedelo Dastuurka lana meel mariyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.