Yaa ku lug yeeshay Dilka Taliyihii Nabad sugidda gobolka Gedo Bakaal Kooke?

Muqdisho ( Raxanreeb ) Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dilka Taliyihii nabad sugidda gobolka Gedo Bakaal Kooke oo lagu dilay qarad gaariga loogu xiray.

Dilka Taliyaha oo dhaliyay tuhun badan ayaa keenay in su’ aalo badan oo salka ku haya inuu ahaa mid abaabulan oo laga lahaa ujeedo gaar ah , lana gaaray ugu danbeyntii

Wasiirka amniga Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal ayaa sheegay in aysan ahayn in aan waxba la iska waydiin dilka Taliye Kooke , isaga oo xusay inuu shaki badan uu ka qabo sida dilka uu – u dhacay.

Wasiirka Amniga Jubbaland, Dhuumaal, ayaa sheegay in dilka Kooke uu ku xeeran yahay tuhun, iyadoo uu intaasi ku daray “in dhinacyo badan ay ku lug leeyihiin”.

Dhuumaal ayaa sheegay inuu jiray khilaaf ka dhaxeeyay Taliyaha la dilay iyo Guddoomiyaha gobolka Gedo , inkastoo uu sheegay in arintaas ay dhameeyeen saraakiil Itoobiyaan ah sida uu yiri.

Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma bilaabin baaritaan rasmi ah oo ku saabsan dilka Taliyihii Nabad sugidda gobolka AUN  Bakaal Kooke oo shaki badan uu ku xeeran yahay sida dilka loo fuliyay.

Jimcihii, Agaasimaha (NISA), Mahad Salaad ayaa u magacaabay Jen Jamaal Xasan Sarey oo ka tirsanaa Taliska Ciidanka Militariga, in uu noqdo Taliyaha NISA ee Gobolka Gedo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.