Raxanreeb (Hargeysa) Rabshado ayaa lagu soo waramayaa in maanta ay ka dhaceen magaaalada Hargaysa gaar ahaan qubuuro halkaas ku yaalla.
rabshadahan ayaa ka dhacay qubuuraha Halleeya halkaas oo lagu aasayey saddex qof oo ku dhintay dibad-baxii 11-kii buishaan ka dhacay magaalada Hargeysa ee Somaliland.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in rabashadahan ayaa ka danbeeyeen ka dib markii dad caraysan oo ka mid ahaa ehelada dadka dhintay dhagaxaan ay ku weerareen Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland, Saciid Sulub oo tagay goobta aaska ee marxuumiinta.
Dadka rabashadaha sameeyay ayaa ahaa dad ka caraysan waxyeelada loo gaystay xubno ka mid ah eheladooda oo la toogtay intii ay socdeen dibadbaxyadii lagu diidanaa xukun isku dhejinta Muuse Biixi Cabdi.
Lama soo sheegin wax khasaaraha oo ka dhashay rabashadahan maanta ka dhacay qubaaraha magaalada Hargasa.
Mana jirto war oo Xukuumadda Somaliland ay ka soo saartay rabashadahan , xaalada ayaa hada degan , waxaana arintan ku baxay qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka magaalada Hargaysa , kuwaas oo markii dambe ku guulaystay in xaalada ay dejiyaan
Leave a Reply