Mukhtaar Roobow‘’Fakarka is qarxinta iyo dagaalka raad kuma laha diinta‘’

Mukhtaar Roobow‘’Fakarka is qarxinta iyo dagaalka raad kuma laha diinta‘’

Muqdisho (Raxanreeb) Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Sheekh Muqtaar  oo la hadlayay Warbaahina ku hadasha afka Dowladda ayaa  sheegay in wax laga xumaado ay tahay weerarkii Al Shabaab ay ku qaadeen  Hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho.

Wasiir  Roobow ayaa sheegay in  dhacdooyinka  noocaas oo kale ah wax raad ah aysan  ku lahayn diinta  Islaamka.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Sheekh Muqtaar Rooboow Cali (Abuu Mansuur) oo mar  ka mid ahaa  hoggaamiyaasha Al – Shabaab ayaa sheegay in loo baahan yahay in la qaado talaabooyin looga hortagayo kooxda.

“Sida uu sheegay madaxweynaha dalka Soomaali heshiis ah oo mideysan, aduunka kalena heshiis la ah, kaas haddii la qaato oo dadku midoobaan nimaankaan waxba uma suuroobi karaan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Sheekh Muqtaar Rooboow (Abuu Mansuur).

Wasiir Mukhtaar ayaa sheegay  in kooxaha dagaalamaya caruurtooda aysan la doonaynin  in ay ka qayb qaataan dagaalada , taas bedelkeena waxbarasho ay ku haystaan dalka iyo dibadda.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray dhalinyarada weli ka barbar dagaalameysa Al-Shabaab oo uu tilmaamay in la soo qalday, sida uu hadalka u dhigay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.