Guddoomiyaha maamulka Gedo ayaa ka biyo diiday muddo kordhinta Axmed Madoobe

Guddoomiyaha maamulka Gedo ayaa ka biyo diiday muddo kordhinta Axmed Madoobe

Muqdisho (Raxanreeb) Guddoomiyaha gobolka Gedo Axmed Buulle Garaad ayaa si adag uga hor yimid muddo kordhin uu baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland u sammeeyay madaxweynaha hadda jooga Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).

Wax ka baddelka uu sameeyay baarlamaanka ayaa ka dhigan in muddo xileedka Axmed Madoobe uu ku ekaan doono bisha Agoosto 2024, halkii la filayay in sannadka soo socda ee 2023-da la qabto doorasho.

Guddoomiye Buulle ayaa tallaabada uu qaaday baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland ku tilmaamay mid aysan aqbali karin, taasi oo uu ka dambeeyo madaxweyne Axmed Madoobe.

Waxa uu madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ugu baaqay in uu si deg deg ah usoo fara-geliyo arrintaan, si xal looga gaaro Jubbaland labada dhinac noqotay.

“Wax aan aqbaleyno ma aha muddo kororsi, dhibaatooyinkii muddo kororsi ka dhacay xogagaal ayaa ka tahay Madaxweyne waxaa aamisanahay in isku haleyn dhankaaga lagu ansixiyay, waa in aad jawaab deg deg ah ka bixisa xukuumadaada,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu ka deyriyay xaaladda maamulka haddii arrintaan sidaas kusii socoto, aysana marnaba yeeli doonin isku deyga uu ku meel marsanayo xukun dheereysiga, sida uu hdalka u dhigay.

“Doorashadii u dambeysay ayaa ku kala tagnay anaga iyo Axmed Madoobe illaa hadda ma jirto wax dib u heshiin ah oo la iskugu yimid. Waxaa ballan-qaad sameeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waana ka warsugeyna.”

Tani mahan muddo kordhintii ugu horreysay ayadoo ay horay uga dhacday maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.