DEG DEG : Qarax ka dhacay duleedka Muqdisho &Faahfaahin laga helayo

DEG DEG : Qarax ka dhacay duleedka Muqdisho &Faahfaahin laga helayo

Muqdisho (Raxanreeb) Wararka naga soo gaaray degaanka Macaani ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa ku waramaya in halkaas uu ka dhacay qarax xoogan.

Qaraxan ayaa ahaa miino dhulka lagu aasay , sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah oo halkaas ku sugan.

Waxa lagu soo waramayaa in wadada gabi ahaanba ay xireen ciidanka ammaanka ee halkaas ku sugan ka dib markii la xaqiijiyay in mid labaad oo aan xirin ay halkaas taallo.

Lama soo sheegin wax khasaaraha oo ka dhashay , laamaha ammaanka ee halkaas ku sugana ma aysan bixin faahfaahin ku saabsan qaraxa miino ee halkaas ka dhashay.

Gadiidka  ayaa adeegsanaya waddooyin qardi- jeex ah si ay u gaaraan  goobaha ay doonayaan.

Wadada ka baxda Ex Kantarool Afgooye ee aada dhanka Ceelasha biyaha ayaa ah waddo aad mashquul u ah ka  

Leave a Reply

Your email address will not be published.