Muqdisho (Raxanreeb ) Magaalada Muqdisho waxaa ka jira culays amni oo ka dhashay digniinaha amniga ee ay bixiyeen Hay’adaha amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana taas bar barsiocoto dilal kala duwan oo si joogta ah uga dhacaya caasimadda
Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa dhankooda waxa ay wadaan howlgal ay ku doonayaan in ay ku adkeeyaan ammaanka maadama culays dhanka amniga ah uu soo food-saartay magaalada Muqdisho.
Dilalkan intooda badan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa intooda badan Dowladda waxa ay sheegtay in ay gaysteen kooxda Al- Shabaab.
Shacabka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in meelaha qaar ay ka jiraan cabsi xooggan , oo la xiriirta amaanka , taas oo ka dhalatay falalka amni darro oo isku bedelay dilalka.
Saraakiisha Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in heegan ay galiyeen ciidanka si ay ugu hortagaan falalka amni darro eek a dhacaya magaalada Muqdisho.
Falanqeyayaasha amniga ayaa sheegay in xiligan la joogo Dowladda ay la timaado qorshe ay kaga hortagayso falalka amni darro isla markaana isbedel ay ku samayso saraakiisha amniga kuwaas oo dhankooda gaabis uu ka jiro.
Si kastaba, dhacdooyinkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dowladda Soomaaliya ay maalin kahor soo saartay digniin ku saabsan weeraro ay Al-Shabaab la damacsan tahay Muqdisho.
Leave a Reply