Rabshado  laga cabsi qabo in Hargaysa ay ka dhacaan & shacabka oo ….

Hargaysa (Raxanreeb ) Magaalada Hargaysa shacabka ku nool farta ayay wadna ku hayaan maanta oo Axad ah ka dib markii  uu dhamaaday waqtiga xil haynta Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi , isla markaana hanjaad ay ka soo yeeraysa axsaabta siyaasadeed.

Wararka  RBC uu ka helayo Somaliland ayaa sheegaya in  meelo badan oo magaalada  Hagaysa ah la dhoobay ciidamo fara badan ka dib markii  uu soo baxay war ku saabsan  rabashado ka dhalan kara  kursi isku dhejinta Muuse  Biixi Cabdi.

Hoggaamiyaasha siyaasadda Somaliland ayaa sheegay in aan la aqbali Karin oo loo dulqaadan doonin in hal maalin oo sharci darra ah uu xafiiska joogo  madaxwaynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday Muuse Biixi Cabdi.

Waxaa is faham iyo fashil uu ku dhamaaday  dadaalo socday tan iyo xalay oo lagu doonayay in xiisada lagu dejiyo oo magaalada Hargaysa iyo deegaanada kale aysan ka dhicin wax rabshada ah , taa soo keentay in maanta heegan la galiyo ciidanka .

Mucaaridka ayaa hore u sheegay in Muuse Biixi aysan wada-hadal la fureyn, kadib markii ay ku eedeeyen in uu waxba ka maqli waayay ergo dhowr ah oo isku xilqaantay wax ka qabashada xiisada siyaasadeed ee Somaliland .

Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa horay magaalada Hargeysa iyo degaannada kale ee Maamulkaas waxaa ay uga dhigeen bannaanbaxyo rabashado watay, kuwaas oo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ahaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.