XOG : Axmed Madoobe oo qorshaynaya si xoog ah Gedo ku geeyo Guddoomiyaha uu magacaabay.

XOG : Axmed Madoobe oo qorshaynaya si xoog ah Gedo ku geeyo Guddoomiyaha uu magacaabay.

Beledxaawo (Raxanreeb ) Ciidanka  Daraawiishta Maamulka Jubbaland  iyo gadiid dagaal ayaa imaanayo magaalada Baladxaawo, Wasiiru dowlaha Amniga JL Maxamed Cabdi Kaliil ayaa wato ciidamada iyo gadiidka dagaal, Ciidamada Kismaaayo waxa ka soo galbiyay ciidamada Danab, kuwaas oo keenay magaalada Afmadow.

Mahad Maxamed Islaam ayaa ka soo galbiyay Afmadow Isaga oo keenay magaalada Dhoobley waxaana lo sii gudbindonaa degmada Ceelwaaq gobalka Gedo, si halkaasi ay kaga soo baxaan.

Abaandulaha qeybta Cismaan Xaaji ayaa qadka taleefanka kula soo hadlay Abaandulaha Guutadda Cismaaciil Sh. Abdi Qorax “Niinile” isago ku wargaliyay inuu Baladxaawo ku soo dhaweeyo ciidamada iyo gadiidka, balse Niinile waa iskadiiday sida ay inoo xaqijyeen ilo lagu kalsonan karo.

Dhowr habeen ka hor ayaa ciidamada Dowladda iyo gadiidkoda ee daganaa buurta degmada Baladxaawo laga qaaday halkaas lo diyaariyay inay dagaan Daraawiishta Jubbland.

Gobolka Gedo ayaa waxaa ku sugan Ciidamo aad u farabadan iyo mas’uuliyiintii Gobolkaas ay u magacaawday dowladdii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kuwaas oo diidan in Ciidamada Jubbaland iyo Mas’uuliyiinta Maamulkaas ka howlgalaan Gobolka Gedo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.