Maxay ATMIS u soo hadal qaaday arrimaha Laascanood ?

Maxay ATMIS u soo hadal qaaday arrimaha Laascanood ?

Muqdisho (Raxanreeb ) Taliyaha ciidamada Midowga Afrika ee howlgalka Soomaaliya ATMIS Jenaraal Sam Okiding, ayaa sheegay in ciidanka ATMIS aanay ka howlgaleen magaalada Laascaanood.

Jenaraal Sam Okiding, ayaa sheegay in shaqada iyo howlgalka ATMIS ay tahay mid ku kooban la dagaalanka kooxda Al-shabaab, isla markaana xaalada ka taagan deegaanada SSC Khaatumo aanay wax shaqo ah ku laheyn Al-shabaab.

Waxaanu yidhi.”Anaga howsheena waa ladagaalanka Shabaab, deegaanada Khaatumo, waxa isku haya dadka deegaanka iyo Soomaaliland, marka arimaha qabilka wax shaqo ah kuma lihin, mana nihin dab damis oo nalooma adeegsanayo arinta Laascaanood”

Hadalkaan kasoo yeedhay Taliyaha ciidamada Midowga Afrika ee howlgalka Soomaaliya ATMIS Jenaraal Sam Okiding, ayaa kusoo beegmaya, Iyadoo UN Security Council-ka ama gollaha amaanka sheegeen in atmis lageyn karo hadii markale dagaal dib u qarxo Gobolka Sool.

Leave a Reply

Your email address will not be published.