Maxkamadda gobolka Banaadir oo ka bilaabatay kiiska nin ku eedeysan in xaaskiisa uu gubay.

Maxkamadda gobolka Banaadir oo ka bilaabatay kiiska nin ku eedeysan in xaaskiisa uu gubay.

Muqdisho (Raxanreeb ) – Maxkamada G/Banaadir oo maanta bilaabeysa dhageysiga maxkamadeynta Sayid Cali Macalin Daa’uud oo xaaskiisa Luul Cabdicasiis Maxamed gubay taas oo ugu dambeyn geeriyootay.

Luul waxey weli iyadoo meyd ah ku jirtaa Ferinjeer,Qoyskeeda ayaa diiday in la aaso inta laga maxkamadeynayo ninka gubay.

Dhageysiga dacwaddam ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalaya ehellada labada dhinac, dadweyne, qareeno iyo xeer ilaalinta guud ee qaranka..

Eedeysanaha ayaa waxaa horay usoo wareejisay hay’adda NISA oo kasoo qabatay gobollada dhexe, waxaana kadib loo gacan geliyay booliska, si loo maxkamadeeyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.