Adis Ababa (Raxanreeb ) –Warar kala duwan ayaa ka soo – baxaya iska hor imaad ka dhacay wadooyinka magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya halkaas oo ay isku hardiyeen ciidanka Itoobiya iyo kooxda FANA ee dagaalka kala soo horjeeda Xukuumadda Itooiya.
Dagaalkan ayaa saacado badan waxa uu ka socday caasimada halkaas oo laga maqlayay jugta hubka culus ee ay is waydaarsanayeen ciidanka Dowladda itoobiya iyo kuwa Jabhada FANA.
Booliiska magaalada Addis Ababa ayaa sheegay in saddex qof lagu dilay israsaaseyn dhexmartay ciidamada ammaanka iyo xubno ka tirsan kooxda hubeysan ee FANO.
Sidoo kale laba askari oo booliis ah ayaa ku dhaawacmay iska hor imaadka maanta ka dhacay gudaha magaalada Addis Ababa, sida ay shaaciyeen laamaha ammaanka.
Kooxda Fano ayaa inta badan ka hawlgasha gobolka Axmaarada oo dagaal kula jira ciidamada tan iyo bishii August ee sanadkii hore.
Dhacdadan ayaa Jimcihi ka dhacday xaafad ay dagaan qoysaska ladan oo ku dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada.
Itoobiya ayaa waxaa bilihii dambe ka dhacayay falal ammaan darri oo halis ku ah amniga dalkaas, waxaana usii dheer isku dhacdyada dowladda iyo kooxaha kale ee mucaaradka.
Leave a Reply