Mareykanka oo ka walaacsan xiriirka sii-xoogeysanaya ee Ruushka iyo Koonfur

Mareykanka oo ka walaacsan xiriirka sii-xoogeysanaya ee Ruushka iyo Koonfur

Washington ( Raxanreeb )-Dowladda Mareykanka ayaa walaacsan xiriirka laba geesoodka ah ee sii xoogeysanaya ee u dhaxeeya dowladda Koonfur Afrika iyo Ruushka, taas oo sare u sii qaadaysa awoodda Qaaradda Madoow ay ku yeelanayso Moscow.

Congress Mareykanka ayaa dhowaan meelmariyay sharciga dib u eegsita xiriirka laba-geesoodka ah ee sii xoogeysanaya ee Koonfur Afrika iyo Ruushka, waxaana madaxda talada haya laga dalbay in ay cadeeyaan in Koonfur Afrika ay ku howlan tahay falal Qatar ku ah amniga qaranka Mareykanka kadib xiriirkooda.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo uu sii xumaanayo xidhiidhka maraykanka iyo wadamada dhaca galbeedka afrika, xilli Arbacdii ay gaadheen dalka Niger ciidmadii u horeeyay ee Ruushka, kadib markii dalkaas uu ka dhacay Afgambi Milatari 26-kii July 2023, markaas oo xilka laga tuuray Maxamed Bezuma. Ruushka ayaa muddooyinkii dambe waday galaangalka u uku leeyahay dalalka dhaca Galbeed Afrika, xilli uu kaashanayo dowladda China oo ay saaxiibo isku dhow yihiin siyaasadda, dhowaan ciidanka Badda ee South Africa ayaa dhoolatus Milatari la sameeyay ciidamadda Badda Ruushka iyo kuwa ka socday China

Leave a Reply

Your email address will not be published.