HARGAYSA : Somaliland oo  laga xusay 18 May sanad guuradii 33-aad ee gooni isu taageeda

HARGAYSA : Somaliland oo  laga xusay 18 May sanad guuradii 33-aad ee gooni isu taageeda

Hargaysa (Raxanreeb )- Xukuumadda Soomaaliland ayaa maanta u dabbaaldegaya sannadguurada 33-aad ee kasoo wareegtay markii ay ku dhawaaqday gooni-isu-taagga

Guud ahaan magaalooyinka waaweyn ee Somaliland iyo degmooyinka, ayey isugu soo baxeen boqolaal dadweyne ah oo u dabaal degayey xuska 18-ka May, oo sanad kasta laga xuso Somaliland.

Munaasabadda ugu weyn ayaa ka dhacday fagaaraha loogu talo galay xuskan oo ah goob u dhow Xarunta Madaxtooyada Somaliland, waxaana ka soo qayb galay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Guddoomiyeyaasha Guurtida iyo Wakiillada, Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo Guddoomiyaha Xisbiga Waddani

Sidoo kale, waxa dabbaal degan ka soo qayb galay Wakiillada Dalalka shisheeye ee fadhigodu yahay Somaliland iyo Wufuud ka timid dalalka dibadda qaarkood oo lagu marti qaaday.

Fagaarahan wax kale dhoola tus iyo gaardis kusoo bandhigay ciidamada kala duwan ee Somaliland oo ku gaashaaman hub & Gaadiidka Dagaalka iyo qaybaha kala duwan bulshada ayaa iyaguna halkaas socod ku maray.

Si kastaba, Somaliland ayaa sanad kasta u dabaaldagta xuska 18 May oo ah markii ku dhawaaqeen inay ka go’een Soomaaliya inteeda kale, iyagoona dalalka caalamka ka raadiya aqoonsi ah in loo aqoonsado dowlad madax bannaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.