DENI ”Dhowr qof go’aano ay soo saaraan yaan waqtiga dadka looga dhuminin”.

DENI ”Dhowr qof go’aano ay soo saaraan yaan waqtiga dadka looga dhuminin”.

Garoowe  (Raxanreeb )- Madaxwaynaha maamul goboleedka Puntland Saciid Deni ayaa si cad u sheegay inuu diidan yahay wax ka soo baxay shirka madasha wadatashiga Qaran eek u so gaba- gaboobay magaalada Muqdisho.

Madaxwayne Deni ayaa sheegay in wax markasta ay diidan yihiin ay tahay qodobada ka soo baxay shirka maalmaha Muqdisho uga socday madaxda  maamulada iyo Villa Somalia.

Saciid DENI ayaa intaas ku daray in dowladnimada looga baahan yahay in ay la sameeyo waxkasta oo isu keeni kara umumada laakiin hadda wax socda ay yihiin kala fogayn.

”Dhowr qof go’aano ay soo saaraan yaan waqtiga dadka looga dhuminin” ayuu yiri Madaxwaynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni

Waxa uu ku baaqay in Golayaasha dowladda ay isugu yimaadaan goleyaal wadatashi ah oo looga hadlayo aayaha dadka iyo dalka isagoo tusalale u soo qaatay dhibaatooyinka jira ee loo baahan yahay in si wadajir ah loogu gudbo.

Deni waxa uu xusay in Puntland ay diyaar u tahay ka shaqaynta Midnimadeeda iyo tan  Soomaaliyeed ayna ka daali doonin raadinta Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.