Fowsiyo Xaaji ‘’ Xasan Sheekh wuxuu iga hiilayay Jabuuti  ‘’- Kama harayo Tartanka IGAD.

Fowsiyo Xaaji ‘’ Xasan Sheekh wuxuu iga hiilayay Jabuuti  ‘’- Kama harayo Tartanka IGAD.

Muqdisho (Raxanreeb )- Xildhibaan Fowsiyo Xaaji Yuusuf  oo mar dalka ka soo noqotay  Ra’iisulwasaare ku xigeen iyo Wasiirka arrimaha dibadda ayaa sheegtay in Xasan Sheekh Maxamuud ku amray in ay ka harto tartanka Guddoonka Urur Goboleedka IGAD.

Fowsiyo waxa ay sheegtay in  Xasan Sheekh uu ugu hiiliyay , Dowladda Jabuuti  horeyna sidan oo kale Kenya uu ugu hiiliyay dalka taas oo ay sheegtay in ay dhacayaan waqti dalka  Madaxwayne uu ka yahay Xasan Sheekh.

Waxa ay sheegtay Fowsiyo ,  in Xasan Sheekh iyo Afar madaxwayne maamul  goboleed ay u yeereen si looga dhaadhiciyo in ay ka tanasuusho  tartanka ay ugu  jirto kursiga Guddoomiyaha Ururka midowga Afrika ee ay u sharaxan tahay.

Fowsiyo ayaa ka dalbatay sida ay sheegtay Xasan Sheekh inuu u cadeeyo , waxa ay ku bedelan karaan in Soomaaliya  ay Jabuuti ugu tanasuusho , kursigan hase ahaatee ay u sheegi waayeen wax cad oo ay ku qanacdo.

Nasiib darro ayay ku tilmaantay in dal , dal kale   uu ugu tanasuulo danahiisa , hase ahaatee Xasan Sheekh uu ku dhiiraday.

Intaas waxa ay ku dartay in marnaba dhankeeda ay qaadan doonin  hadalka Xasan Sheekh oo ah inay tanasuusho wax kasta oo ay ku qaadato ay tartami doonto.

Leave a Reply

Your email address will not be published.