Dowladda Soomaaliya oo Canshuur nooc cusub ka billaabeysa dalka

Dowladda Soomaaliya oo Canshuur nooc cusub ka billaabeysa dalka

Wasiirka Maaliyada Soomaaliya ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay canshuur cusub bixiyaan, taas oo ah mid toos ay wasaaraddu uga goosan karto dhaqdhaqaaq kasta oo maaliyadeed oo lamariyo lacagaha danabeysan.

Ma sheegin in bulshadu adeegyo ay helayaan, haddii ay canshuurtan bixiyaan, kaliya wuxuu amray in lacagta la baxsho, lalana shaqeeyo xubnaha aruurinaya.

Wasiirka ayaa tusaale u soo qaatay in canshuurta Soomaaliya laga qaado ay yar tahay 5%, halka dalalka Kenya, Itoobiya, Rwanda, Uganda & Tanzania, in ay Canshuur baxshaan, wasiirka ma sheegin Adeegyada bulshada ee ay sida bilaashka ah ku heleen bulshada dalalkaas ee canshuurtooda dib loogu cesho, gaar ahaana Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha & Korontada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.