Itoobiya oo dhawaan qaadeysa tallaabo ka careeysiisa Dowladda Soomaaliya

Itoobiya oo dhawaan qaadeysa tallaabo ka careeysiisa Dowladda Soomaaliya

Dawlada itoobiya oo sheegtay in xuduudaha wadamada la dariska ah la xiri doono maalinta sida rasmiga loo sexiixayo heshiiskii taariikhiga ah oo ay la gashay Somaliland.

Afhayeenka Dawlada Itoobiya ayaa sheegay in dhawaan shaacin doonaan wakhtiga la dhamaystirayo heshiiska Is-Afgarad ee MOUga ay wada galeen Somaliland iyo Itoobiya

Sarkaalkan oo afhayeen u ah Dawlada Itoobiya ayaa sheegay in ay dhawaan shaacin doonaan wakhtiga la dhamaystirayo heshiiska Is-Afgarad ( MOU) ee ay wada sexeexdeen dalalka Itoobiya iyo Somaliland

Sarkaalkan oo sidoo kale ah Afhayeenka Itoobiya ayaa u sheegay Arab World Press in Itoobiya ay soo xiri doonto xuduudka wadamada ay wadaagaan ka hor dhamaystirka MoUga Itoobiya ay la saxiixatay Somaliland.

Tallaabadaan hadii ay qaado ayay ka careey siin doontaa dowladda Soomaaliya, iyada oo la wada sugayo jawaabta ay ka bixiso.

Leave a Reply

Your email address will not be published.