Xasan Sheekh oo muddo kororsi siiyay Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Muqdisho (Raxanreeb online) – Madaxweynaha soomaaliya ayaa muddo kororsi sharci daro ah siiyay madaxda maamulada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle, kaddib markii usoo idlaaday shirkii qabyada ahaa ee golaha wadatashiga qaran.

Madaxweyne Xasan ayaa  seddexdaas maamul kula heshiiyay in doorashada deegaanka ay qabtaan bisha june ee sanadka 2025, halka doorashada hoggaanka golaha wakiilada iyo hoggaanka saddexdaas maamul laqaban doono bisha September 2025.

Haddii laga xisaab qaado maanta waa 10bilood oo muddo kororsi sharci daro ah, waana markii labaad uu madaxweyne Xasan Sheekh ku kacaayo dastuur kutumasho tan iyo markii uu kusoo laabtay 15kii May 2022.

Jubbaland,Puntland iyo SSC-Khaatumo kuma jiraan jadwalkan cusub ee muddo kororsiga ah waana sababta uu Axmed Madoobe uga baxay shirkii golaha wadatashiga qaranka.

Jubbaland ayaa lafilayaa in doorashadeeda qabsan doonto, Xasan Sheekh ayaana heshiis noocan ah lagalay maamuladan oo ay kujirtay Jubbaland bishii May 2023 balse waxba kama dhaqan galin, halka heshiiskan cusub ee lagaaray uusan heysanin wax damaanad ah oo ah in uu sidaan kufuli doono.

Puntland horey ayey uga maqneed shirarkaasi, taasoo ay mucaaradka diideen dastuur ku tumashadaan joogtada ah.

Dowladda federaalka ah iyo maamuladan ayaa ku heshiiyay, in heshiiskan si deg deg ah loomarsiiyo baarlamaanka sharciga doorashooyinka  iyo guddiga doorashooyinka.

Xasan Sheekh ayaa habeen hore kulan casho sharaf ah usameeyay qaar kamid ah xildhibaannada labada aqal ee baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, waxaan lafilayaa in uu baarlamaanka weydiisto in sharciga doorashooyinka midka xisbiyada iyo kan dhismaha guddiga doorashooyinka in lala ansixyo fasaxa kahor.

Khudbada uu habeen hore jeediyay Xasan Sheekh waxaa kujirtay in uu raadino doono maamulada ka maqan shirka golaha wadatashiga qaran, lakiin go’aankii xalay ay soo saareen iyadoo ay maqanyihiin Puntland iyo Jubbaland ayaa ka dhignaa in uu warkiisa uu ahaa mid iska fiidsi ah kuna ekaa miiska casho sharafta loogu sameeyay xildhibaannada

Xasan Sheekh oo muddo halsano iyo dhowr bilood kaga harsantahay muddo xileedkiisa, in uu sii joogo villa Somalia, ayaa qaaday dhabihii farmaajo, mana cada in uu wadanka kufuri doono meeshii farmaajo uu ku furay ama xaalada uu kasii daro doono.

Leave a Reply

Your email address will not be published.