Golaha Wasiirrada oo ansixiyay heshiisyo ay wasaaradda difaaca dalka la gashay dalalka Urdun, Pakistan iyo Qatar

Muqdisho (Raxanreeb) Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa ansixiyey heshiisyo is-afgarad, kuwaas oo muhiimad weyn u leh xoojinta difaaca dalka iyo dhismaha ciidamada qalabka sida ee Qaranka Soomaaliyeed.

Heshiisyada is-afgarad ee uu goluhu ansixiyey ayaa kala ah, Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Wasaaradaha Gaashaandhigga dalalka, Urdun, Qatar iyo Pakistan, heshiisyadaas oo kor loogu qaadayo tababarada ciidamada xoogga dalka

Kulanka golaha, ayaa waxaa shir guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagaga hadlay xaaladda amniga dalka, howlgallada socda ee lagu ciribtirayo kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.