Puntland oo ka hadashay dalxiisayaashii loo diiday in ay ka dhoofaaan Garowe

Garoowe (Raxanreeb Online) Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa ka hadlay dalxiisayaal ajaaniib ah oo maalmo ka hor loo diiday in ay ka dhoofaan garoonka diyaaradaha magaalada Garowe.

Wasiir Caydiid, ayaa sidoo kale sheegay in dalxiisayaashu ogolaansho u haysteen oo kaliya in ay tagaan Garowe-Eyl, hase ahaatee ay booqdeen Laascaanood oo aysan markii hore codsan.

“Dalxiisayaashaashu waxay soo codsadeen Garowe-Eyl, muddo gaaban oo saddex cisho ahna waa soo sodcadeen, waxaana u qoron heshiiskaas wixii ka baxsan dalxiisuhu haddii uu sameeyo isagaa ka mas’uul ah” ayuu yiri wasiir Caydiid.

“Qaladkooda ayay ahayd, hadday ku soo qoran lahaayeen Laascaanood waxaa lagala heshiin lahaa sida ay ku tagayaan, hadday iskood ugu darsadeen, iyagu dalka ma maamulaan” ayuu raaciyay.

Wuxuu intaas ku daray in la siidaayay kaddib markii ay la kulmeen ganaax lacageed iyo safarkoodii oo la baajiyay.

Dalxiisayaasha oo ku sii jeeday Muqdisho ayaa markii dambe safar dhulka ah u galay magaalada Gaalkacyo, halkaas oo ay maalintii dambe ka dhoofeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.