Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xilka u kala wareejiyey Xoghayaha cusub ee Wasaaradda, Yuusuf Cali Maxamed, iyo Xoghayihii hore, Mudane Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax.
Wasiirka ayaa uga mahadceliyey Xoghayihii hore shaqadii iyo dadaalkii uu soo qabtay muddadii uu xilka hayey, isaga oo ku ammaanay sida hufan ee uu uga soo baxay waajibaadkiisa shaqo.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa Xoghayaha cusub faray in uu sii xoojiyo shaqada Wasaaradda, korna u qaado hufnaanta, wada-shaqaynta iyo dardargelinta howlaha hortebinta u leh Wasaaradda Gaashaandhigga.
Munaasabadda xil-wareejinta, oo ka dhacday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, waxaa goobjoog ka ahaa sanatarro iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, agaasimayaal iyo hawlwadeennada Wasaaradda.



Leave a Reply