Jubbaland (Raxanreeb Online): Cabdirashiid Janan, oo dowladda Soomaaliya hore ugu magacowday wakiilkeeda gobolka Gedo, ayaa la sheegay inuu ka tanaasulay mowqifkii dowladda Federaalka, isaga oo si toos ah ugu biiray dhinaca Jubbaland.
Cabdirashiid Janan oo saamayn siyaasadeed iyo mid amni ku leh gobolka Gedo ayaa hore dagaal adag ula galay Jubbaland, xilli uu taageero ka helayay dowladda Federaalka Soomaaliya.
Hase yeeshee, wararka hadda soo baxaya ayaa sheegaya in Janan uu u wareegay dhinaca Kismaayo, isla markaana uu Jubbaland ku wareejiyey arrimaha amniga ee deegaanada uu saamaynta ku leeyahay.
Tallaabadan ayaa loo arki karaa isbeddel siyaasadeed oo saameyn ku yeelan kara xaaladda gobolka Gedo iyo xiriirka u dhexeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland.
Raxanreeb Online

Leave a Reply