Galmudug (Raxanreeb Online): Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa booqanaya Galmudug, halkaas oo uu ku tagayo xeryo ay ku sugan yihiin qaar kamid ah ciidamadii kasoo baxay Gaalkacyo iyo deegaanno kale oo Puntland ah.
Sida xogtu sheegeyso, ciidamadaasi ayaa loo wareejiyay Galmudug kaddib markii Puntland ay u qabatay muddo 48 saacadood ah inay isu soo dhiibaan, iyadoo markii dambe la go’aamiyay in lagu soo dhaweeyo gudaha Galmudug.
Qaar kamid ah ciidamada ayaa xilli habeen ah kasoo baxay xeryihii ay ku sugnaayeen Gaalkacyo, oo ay kamid ahayd xerada Barda-dheere, halkaas oo la sheegay in loogu diyaarinayay howlgal ka dhan ah Puntland. Intooda badan ayaa lagu hayaa gobolka Galgaduud, gaar ahaan xero ku taalla deegaanka Xananbuure.
Booqashada Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in loo bixiyo xaflad lagu soo xirayo tababar, maadaama Xananbuure ay sidoo kale tababar ku qaadanayeen ciidamo kale oo horey loo soo sheegay.
Inkastoo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka uu horey u soo xiray tababarka ciidamadaasi, haddana waxaa la filayaa in Madaxweynaha uu la hadlo ciidamada, isagoo u ballanqaadi doona in la siin doono xuquuqdooda iyo waajibaad qaran oo loo xilsaaro.

Leave a Reply