WARBIXIN : Muhiimadda Degmooyinka Xarardheere, Ceeldheer ,Galcad & ay  u leeyihiin DFS.

WARBIXIN : Muhiimadda Degmooyinka Xarardheere, Ceeldheer ,Galcad & ay  u leeyihiin DFS.

Muqdisho (Raxanreeb ) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa 15 sanno ka dib  gacanta kooxda Al- Shabaab ka saartay degmooyin iyo deegaano dhaca gobolada Mudug , galgaduud kuwaas oo ah magaalooyinka istaraateji ah marka la barbardhigo deeganadii kale ee hore  Dowladda uga saartay Al- Shabaab.

Degmooyinka Xarardheere, Galgacad , Ceeldheer ayaa ka mid ah meelaha muhiimka ah ee Dowladda ay ku guulaystay in gacanta kooxda Al- Shabaab ay ka saarto sanado badan ka dib waana degmooyin ku wanaagsan dhinacyo badan ee xagga dagaalka ah sida ay sheegayaan qubarada dhanka amniga.

Warbxintan waxaan ku eegayaa muhiimadda degmooyinka qaar ay leeyihiin  juquraafi ahaan iyo  waxa ay Dowladda  Federaalka ay ugu fadhiyaan .

Degmada Xarardheere waxa ay ka mid tahay magaalooyinka gobolka Mudug uu ka kooban yahay, waxa ay  ku taalla dhinac a Xeebta isla markaana waa  dhinaca qorax ka soo bax ee  dhanka bari , Al- Shabaab  ayaa muddo dheer waxa uga soo degi jiray sannada  hubka ee ay ku dagaal- galaan.

In Kooxda Al- Shabaab laga saaro  Degmada Xarardheere ayaa loo arkaa , mid wax badan ka bedeli karta howlgalka Dowladda ay ku doonayso in ay ku jabiso kooxda Al- Shabaab maadama ay tahay   degmo istaraateji ah marka laga tusaale qaato halka ay ku taalo.

Afar iyo laabatan saac ka dib  Dowladda  Federaalka ayaa ku dhawaqday si la mid ah in ay la wareegtay si nabad ah  Degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ,  halkaas oo ahayd meel  kooxda Al- Shabaab u ahayd aag dagaal.

Ceeldheer waxay ka mid tahay degmooyinka ugu qadiimisan gobalka galgaduud waxayna dhacdaa dhinaca waqooyi bari ee gobalka galgaduud , waxay 18 Km u jirtaa xeebta Mareeg ee Badweynta Hindiya. waa degaan kale oo isagana ku wanaagsan qorshaha dagaal  cidii markaas gacanta ugu jirta.

Meelaha kale ee muhiimka xiligan loo arko waxaa ka mid ah  Galcad , halkaas oo muddo ahayd meel ay maamulaan kooxda Al- Shabaab una ahayd fariisiimo dagaal hase ahaatee markan laga faramaroojiyay kooxda Al- Shabaab.

Galcad haddii aan eegno waxa ay ku taalaa dhinaca Koonfureed ee gobolka Galgudud, waxayna 375KM dhinaca Waqooyi ka xigtaa magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka , waxaa loo arkaa si la mid ah meel wax badan ka tarti karta qorshayasha dagaal iyo howlgalin  ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ceelbuur ayaa haddii Dowladda Soomaaliya la wareegto oo ay ka maquunayso kooxda Al- Shabaab waxaa  loo arki karaa degmo kale ee muhiimka ah ee sanadaha badan ay maamulayeen kooxda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.