Degmada Galcad ee galgaduud miyay la wareegeen ciidanka DF ?

Degmada Galcad  ee galgaduud miyay la wareegeen ciidanka DF ?

Dhuusmareeb (Raxanreeb) Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la xaqiijiyay in ay la wareegeen degmada Galcad ee gobolka galgaduud , halkaas oo in muddo ay maamulayeen kooxda Al- Shabaab.

Dagaakl labada dhinac dhaxmaray ayaa u suurtagashay  in ciidanak Dowladda ay soo gasho gacantooda dhawr deegaan oo ka  mid ah  maamulka Galmudug .

Deegaannada Baraag Sheekh Caamir, Tixle, Ceel Cali Axmed iyo Cali Heelle oo ka wada tirsan Degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud ee Dowlad Gobaleedka Galmudugayay ciidanka ay la wareegeen.

Saraakiisha Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in intii dagaalka uu socday ay dileen sida ay warka u dhigeen  xubno ka mid ah kooxda Al- Shabaab , mase hayno warar kale oo dheeraad ah oo ka madax banaan hadalka saraakiisha.

Deegaano badan oo gobolka galgaduud waxaa ka soconaya howlgalo ciidanak dowladda Soomaaliy ay ku doonayaan in ay kaga adkaadaan kooxda Al- Shabaab oo sanado badan maamulaya deegaanada Mudug iyo Galgaduud.

Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan sheegay in ay bilaabi doonaan wajiga labaad ee howlgalada ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab , walise kooxda ayaa dalka kaga sugan meelo badan .

Leave a Reply

Your email address will not be published.