AFRICOM ” 15 saraakiil Al- Shabaab ah ayaa lagu dilay laba weerar oo is xig xigay “

Nairobi ( Raxanreeb ) War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Mareykanka qaarada Afrika ee  AFRICOM ayaa lagu sheegay in  duqeymo la dilay xubno sae sare oo ka mid ah kooxd Al- Shabaab.

Waxaa lagu sheegay warka in laba duqeymo oo maalmo kala duwan dhacay lagu beegsaday saraakiil Al- Shabaab ah oo gaaraya 15ilaa 16 .

Howlgalka AFRICOM ayaa meesha ka saaray jiritaanka waxyeelo duqeyntan ay ka soo gaartay dad rayid ah oo ku sugnaa goobta ay ka socotay duqeymaha.

AFRICOM waxay sheegtay in duqaymahan ay ahaayeen kuwo is-difaacid ah, ayna dhaceen kadib markii codsi uu ka yimid dawladda federaalka Federaalka Soomaaliya.

Intii u dhaxaysay 14-kii iyo 17-kii bishan Diisambar, ayaa lagu sheegay warka AFRICOM in ay dhaceen duqeymahan laguna  dilay  15 ilaa 16  dagaalame oo ka tirsan  kooxda Al-Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.