Ciidanka Dowladda oo gaaray deegaano hor leh oo ka mid ah Sh. Dhexe.

Jowhar ( Raxanreeb ) Ciidanka Dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa  la wareegey deegaano hor leh oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Deegaanada ciidanka Dowlada ay la wareegeen waxaa ka mid ah  Ceel bacaad halkaas oo ay howlgal ka wadaan kooxaha kacdoonka.

Sidoo kale ciidanka Dowladda Federaalka ayaa isku fidiyay  deegaanka Darul Nimco oo kaabiga ku haysa Degmada Ruunirgood ee Shabeellaha Dhexe.

Saraakiil ka tirsan Dowladda ayaa sheegay in deegaanadii ugu badnaa ay kala wareegeen kooxda Al- Shabaab oo in muddo ah dhibaatooyin ku hayay dadka deegaanka.

Kooxda Al- Shabaab ayaa laga saaray deegaano badan oo ka mid ah gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe , halkaas oo ay wali ka socdaan dal ka dhan ah kooxda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.