Faahfaahinta dagaal Ciidanka ATMIS iyo Al- Shabaab ku dhexmaray Qoryoolay Sh. Hoose

Marka( Raxanreeb ) Wararka naga soo gaaraya degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya ciidanka Dowladda iyo kuwa Al- Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii kooxda Al- Shabaab dagaal ay ku qaadeen fariisimo ciidanka ATMIS ay ku leeyihiin degmadaas.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ay maqlayeen jugta culus ee u dhaxeeysa ciidanka Dowladda iyo kuwa Al- Shabaab oo in muddo ah ay socotay.

Waxaa la soo sheegayaa inuu jiro khasaaro soo kala gaaray dhinacyda ku dagaalamaya degmada Qoryoolay ee Shabeellaha Dhexe , inkastoo si rasmi ah haddana aan loo ogayn.

Dadka degmada waxaay  sheegeen in Ciidanka  Uganda intii uu socday dagaalka ay tiro madaafiic ah ku tuurayeen dhinaca laga soo weeraray, balse aan weli la sheegin khasaaraha ka dhashay madaafiicda.

Ma jiro wax war ah oo saraakiisha Dowladda ama kuwa ATMIS ee uganda ka socday ay ka soo saareen dagaalka Al- Shabaab ay ku qaadeen saldhigga ay ku leeyihiin degmada Qoryoolay ee Shabeellaha Hoose.

Leave a Reply

Your email address will not be published.