Dhuusmareeb ( Raxanreebv) Ciidanka xoogda dalka gaar ahaan kuwa Danab iyo ciidamada gaarka ah ee PSF ayaa gudaha deegaanka Ceelhuur ee gobolka mudug ku qabtay horjoogayaalka tirsan dagaalamayaasha al Shabaab .
Horjoogayasha ay gacanta ku dhigeen ciidamada Xooga dalka iyo PSF oo labo ka mid ah ay cadaan ahaayeen ayaa la sheegay iney doonayeen iney doon ka raacaan xeebaha deegaankaasi si ay uga fakadaan ciidamada is garabsanaya
Qabashada sarakishan ayaa ku soo aadeyso xili cidamada kala duwan ay kabiga ka hayaan deegaanka Caad ee koofurta gobolka Mudug.
Saraakiisha Dowladda Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in ay socon doonaan howlgalada ay ku beegsanayaan horjoogayaasha kooxda Al- Shabaab iyo kalkaaliyaashooda ajaaniibta ah.
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gacan ka helahso dadka deegaanka ayaa deegaano badan oo dalka ah waxa ay ka wadaan howlgal ka dhan ah kooxda Al- Shabaab kuwaas oo sanado badan maamulayay deegaano badan oo hadda gacantooda ka baxday.
Leave a Reply