KHILAAF : Diwaangalinta doorashooyinka Puntland oo laga diiday Gobolka Nugaal .

Garoowe ( Raxanreeb ) Wararka RBC maanta oo Jimca ah uu ka helayo magaalada Garowe ee gobolka Nugaal ayaa sheegaya in halkaas laga diidan yahay diwaan galinta  doorashooyinka ka socda Puntland.

Kulan looga hadlayay diwaan- galinta doorashooyinka oo ay isugu yimaadeen Odayaasha deegaanka iyo waxgaradka gobolka Nugaal ayaa la xaqiijinayaa in fashil uu ku dhamaaday.

Waxaa ku sugnaa kulankan la isku mari waayay duqa KMG ah ee Garoowe ee Puntland halkaas oo lagu soo bandhigay sida loo diidan yahay doorashooyinka qof iyo cod .

Labada dhinac ee kulanka fashilka uu ku dhamaaday dhaxmaray ayaa lagu sheegay in doorashooyinkaas laga leeyahay dano gaar ah oo aan la faahfaahin ah.

Isla goobta uu kulanka ka socday ayaa wararka uu helayo RBC sheegaya , in Nabaddoonnada iyo Odayaasha  sidoo kale ay diideen  mudda kororsiga uu raadinayo Madaxwayne  Siciid Deni .

Deegaano badan oo Puntland ah ayaa sida gobolka Nugaal oo kale muran ka keenay , waxaana lagu tilmaamay in ay tahay doorasho hubaysan oo dhinac ka raran , inkastoo meelaha qaar lagu qabtay hadana waxaa muuqanaya muranka ka dhashay arintan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.