Dowladda Federaalka maxay ku maagtay beesha caalamka ?

Dowladda Federaalka maxay ku maagtay beesha caalamka ?

Muqdisho ( Raxanreeb ) Madaxweynaha Dowladda  Federaalka Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta Vill Somalia  casho sharaf ugu sameeyay  Culumadii ka qayb gashay Shirweynaha Culumada soomaaliyeed.

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud
ayaa uga mahad celiyay culumada sida midnimada leh ee ay Ummadda soomaaliyeed ugu soo bandhigeen baadinimada kooxda Al- Shabaab, ficilada gurracan iyo afkaaraha qaldan ee ay faafiyaan iyo garab istaagga ay u muujiyeen Jihaadka dalka looga ciribtirayo.

Munaasabaddan waxaa kasoo qayb galay, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Wasiiro, Xildhibaano, Mas’uuliyiin iyo Culumaa’udiin soomaaliyeed.

Wuxuu sheegay Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya  in  dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa Shacabkeeda ay billaabeen kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab, isla markaana ka guuleystewn

Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ku soo hadal qaaday khudbadiisa , sida beesha Caalamka aysan ula dhacsanayn howlgalada ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab ee ka socda meelo badan oo dalka ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.